Akhri Magacyada 4-Siyaasi Oo 80-Mudane Oo Baarlamaanka Ka Tirsani ka Digeen In Lagu Soo Daro Golaha Wasiirrada.
Muqdisho:Jan,11,2015(SDN/QJ)-ugu yaraan80-mudane oo kamid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Somalia, ayaa si wada jir ah iskugu raacay inaan Golaha wasiirrada Cusub lagu soo dari Karin Afar siyaasi oo xidhiidh dhaw la leh madaxweyne Xasan sheikh, kuwaas oo wax laga saarayo dhibaatadii xukuumaddii hore mijo xaabisay.
Xubnahan, ayaa waxaa magacyadoodu lagu kala sheegay Xuseen Cabdi Xalane, Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed, C/kariin Xuseen Guuleed iyo C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).
Sanbaloolshe marka laga tago saddexda kale waxay ka soo muuqdeen Golihii Wasiirada ee Xukuumaddihii Saacid iyo C/weli. Sanbloolse waxa uu isna soo noqday Agaasimihii Hay’adda Nabad Suggida Qaranka, waxaana shaqada laga eryay bilowgii bishii September ee saadkii hore.
Xafiiska Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa la soo gaadhsiiyay warqad ay ku saxeexan yihiin 80 Xildhibaano, loogana soo horjeedo in liiska Golaha Wasiirada lagu soo daro xubnahaasi.
Xildhibaanada, ayaa waxay tani ku macneeyeen inay ka cararayaan khilaaf dambe oo soo kala dhex gala Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, isla-markaana ay raggaasi horkici doonaan inay isku dhacaan Madaxda, haddii lagu soo daro Wasiirada cusub. Si khilaaf dambe looga gudbo waxay ku taliyeen inaan la soo magacaabin, haddii kalana aanay ansaxin doonin, kolka magacyada Golaha Wasiirada la horkeeno Baarlamaanka.
Mudane Bishaar Ibraahim Ugaas oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, oo galabta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu Dowladdu ku dhaliilay inay ku balan furtay heshiis awood qaybsi ahaa, oo ay hore u wada gaadheen, intii uu taagnaa khilaafkii Madaxweynaha kala dhaxeeyay Ra’iisal Wasaarihii hore C/weli Sheekh Axmed Maxamed.
Xildhibaanku wuxuu su’aal ka keeay cidii ansaxin laheyd Golaha Wasiirada cusub, kolka loo soo gudbiyo Baarlamaanka Somaliya. Haddii Dowladdu balanta kaga baxday, ayuu dhankoodu sheegay inay iyana kaga baxeen.
SDN/QJ