|

War Lama Filaan ah Oo Kooxda Al-shabaab Kasoo Saartay Weerarkii Faransiiska Lagu Qaaday

Baardheere:Jan,11,2015(SDN/QJ)-Ururka  Al-shabaab eek a jirta Gudaha Somalia, ayaa markii ugu horraysay ka Hadashay Weerarkii Labada nine e Walaalaha ahi ku qaadeen Xarunta Wargeys hore u aflegaadeeyey Nebiga oo  lagu laayey Tiro kamid ah Dadkii arrintaas loo aanaynayey.

SHABAABIGAKooxda Al-shabaab ayaa weerarkaas ku tilmaamtay mid geesinimo ahaa oo waajib ay tahay in dadka Muslimiinta ahi ku farxaan.

“Labada walaalaha ahi waxay noqdeen kuwii ugu horreeyay ee ka jawaaba aflagaadada nabigeena,” ayay al-Shabaab ku qortay website-ka Radio Andalus-keeda, iyaga oo ka hadlayay labada tuhmane ee la rumeysan yahay in ay mas’uul ka yihiin weerarka. “Waa tallabo geesinimo leh oo malaayiin Muslimiin ah ka farxisay.”

“Dadka qaar Alle baadiyeeyay ayaa ku andacoonaya in weerarka lagu qaaday majallada uu ahaa mid lagu qaaday warbaahinta iyo xoriyadda hadalka, waxayna sheegeen in aflagaadada nabiga ay qayb ka tahay xoriyadda hadalka,” ayaa lagu qoray. “Laakiin dad geesiyiin ah oo aan waxba ka soo qaadin andacadaas ayaa u aaray nabigeenna oo gooyay madaxa kufaarta ku xadgudbay Nabi Muxamed.”

Al-Shabaab ayaa intaa raacisay in Osama bin Laden uu u sheegay Galbeedka in “haddii cabbiraadda ra’yigu uunan xuduud lahayn, markaa waxad diyaar u noqotaan in aad dhabarka u dhigayaan culayska tallaabooyinkayaga”.

Radio Andalus waxa uu sidoo kale sheegay in labada walaalaha ah ee la tuhunsanyahay in ay qaadeen weerarka ay “iclaamiyeen in ay ka tirsan yihiin al-Qacida”, oo ah shabakad argagixiso oo ay sidoo kale al-Shabaab ka tirsan yahay, AFP ayaa warisay.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale xidhiidh dhaw la leh dagaalyahannada al-Qaacida ee Yementa dariska ah, halkaa oo mid ka mida labada tuhmne la rumaysan yahay in uu ku soo tababartay.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale lala xidhiidhiyay Maxamed Geelle, oo ah nin Soomaali ah oo lagu helay in uu faas ku weeraray ninka sameeya kartoonka ee u dhashay Denmark Kurt Westergaard, oo la kulmay handadaado dil oo dhawr ah tan iyo markii uu kartoona sawirka Nabiga Muslimka ee Muxammed lagu soo daabacay wargeyska maalinlaha ah ee ka soo baxa Denmark Jyllands-Posten 2005-tii.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed