Laba Sanno kadib Mucaaridka Jabuuti oo Soo Fadhiistay Baarlamanka dalkaasi
Jabuuti 11.Jan 2015 (SDN/QJ)- Xubnaha Isbahaysiga Mucaaradka Jabuuti ee USN ugu jiray Baarlamaanka dalkaas, ayaa markii u horeysay muddo laba sanno ku dhow oo ay ka maqnaayeen iska xaadiray fadhi Khamiistii dorraad uu yahay baarlamaanku, ka dib markii heshiis dhexmaray dawladda Jabuuti iyo Mucaaradka dalkaas.
Mudaneyaasha ka tirsan Mucaaradka Jabuuti, ayaa Golaha ka maqnaa wixii ka dambeeyey Doorashadii guud ee dalkaas ka dhacday bishii February ee sannadkii 2013-kii, wakhtigaas oo mucaaradka qaaddacay natiijadii ka soo baxday doorashadaas oo ay ku sheegeen in isbahaysiga uu hoggaamiyo madaxweyne Geelle ku shubtay doorashadaas.
Kulan ballaadhan oo 30-kii bishii December ee 2014-kii ka dhacay Aqalka umadda Jabuuti, ayaa Xisbiga mucaaradka ah ee USN iyo Xukuumadda Jabuuti ku kala saxeexdeen heshiis lagu soo afjaray ismaan-dhaaf ka dhashay natiijadii doorashada baarlamaanka ee horaantii sannnadkii 2013-dii ka dhacday dalkaas, kaas oo suurto-galinayey inay fadhiyada baarlamaanka ku soo laabtaan xubnihii ku soo baxay doorashadaas.
Fadhiga Baarlamaanka Jabuuti ee Khamiistii oo noqonaya kii ugu horreeyey ee ay ka qayb-galaan mudaneyaasha mucaaradka ahi doorashadii kadib, waxa goob-joog ka ahaa Raysalwasaaraha Jabuuti oo isagu xukuumadda u saxeexay heshiiska.
Xildhibaannada xukuumadda iyo mucaaradka oo markii kulanku dhammaaday warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in fadhigoodu qabsoomo iyada oo xildhibaannadii la doortay u dhan yihiin.