|

Dawlada Ingiriiska oo ka Hadashay Warar sheegaya inay Khubaro Milateri u dirayaan Somaliland

Addis Ababa 11.Jan 2015 (SDN/QJ)- Dawladda Ingiriiska, ayaa war aan xaqiiqo ahayn oo aan iyaga ka soo bixin ku sheegtay inay khubaro ka tirsan milatariga dalkeeda u soo dirayso Somaliland, balse uu jiro qorshe ay dawladda Soomaaliya kaga caawinayaan dagaalka ay kula jirto Kooxaha Xag-jirka ah.

juuuuuu-300x246War lagu baahiyey Wakaaladda wararka GA Online Arbacadii todobaadkii hore, ayaa lagu sheegay in dawladda Ingiriisku khubaro milatari oo dhinaca Ammaanka kala shaqayn doono u dirayso dalalka Soomaaliya iyo Somaliland si looga daciifiyo awoodda kooxda Al-Shabaab kaga hawl-gali karto labada waddan. Warkaa oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay caddadkii Khamiistii, waxaanu arrintan jiritaankeeda kala xidhiidhnay Safaaradda dawladda Ingiriisku ku leedahay magaalada Addis Ababa oo qaabilsan xidhiidhka dibloomasiyadeed iyo taageero ee Ingiriisku la leeyahay Somaliland.
Safaaradda Dalka Ingiriiska ee Addis Ababa oo ka soo jawaabtay Su’aal Himilo ka weydiiyey arrintan, waxa ay sheegtay inaanu waxba ka jirin inay khubaro dhinaca Ammaanka u dirayso Somaliland, balse waxa uu qiray qorshe dawladda Soomaaliya lagaga taageerayo la-dagaalanka kooxda Al-Shabaab.
Roger Coleman oo safaaradda Ingiriiska ee magaalada Addis Ababa ka tirsan oo Wargeyska Himilo weydiiyey jiritaanka khubarada Ingiriiska, waxa uu beeniyey jiritaanka warkaas, waxaanu ku jawaabay, “Hadalka warkaa ee lagu sheegay inay Somaliland iman doonaan khubaro kama soo bixin xukuumada Ingiriiska,” ayuu yidhi Roger Coleman.
Mr. Coleman ayaa raaciyey hadalkiisa, “Waxay u muuqataa war aan jirin oo la sameeyey,” ayuu yidhi Sarkaalkani isaga oo intaas ku daray inuu jiro qorshe lagu taageerayo dawladda Soomaaliya, iyaga oo qayb ka noqonaya khubaro milatari reer Galbeed ah oo xaruntoodu tahay magaalada Muqdisho, kuwaas oo tabobaro iyo talooyin la xidhiidha la-dagaalanka kooxda Al-Shabaab u fidiya ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ee nabad-ilaalinta u jooga dalkaas.

Comments are closed