|

Shirkii Wasiirada Arrimaha Dibada ee Igad oo Muqdisho lagu soo gabo gabeeyay

Muqdisho 10.Jan 2015 (SDN/QJ)- Shirkii Wasiirro arrimaha dibada ee Urur Goboleedka IGAD oo maanta ka furmay Magaaladda Muqdisho ayaa la soo gaba-gabeeyay goor dhow, kaas oo muddo saacado ah ka socday hoteelka Hoteelka SYL oo ku dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

6272Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid ayaa shirka soo xidhay, isaga oo ka jeediyay khudbad uu uga hadlay muhiimada shirkan uu Soomaaliya iyo dalalka Bariga Afrika u leeyahay, isagoo ku tilmaamay inuu yahay mid ay soo dhaweynayaan oo ah mid taariikhi ah.

Raysal-wasaare Sharmaarke ayaa si gaar ah uga mahad-celiyay ciidamada Somalia iyo kuwa AMISOM oo uu sheegay inay si wanaagsan u sugeen ammaanka intii uu socday shirkan, wuxuuna caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay xoogga saari doonto xoojin doonto amniga iyo hirgelinta nidaamka federaalka.

Wasiirrada IGAD iyo xubihii kale ee ka qaybgalay oo iyaguna hadlay ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid taariikhi ah oo Muqdisho lagu qabto tan iyo sannadkii 1985-kii, iyagoo sheegay in Soomaaliya ay kaalinteedii hore dib ula soo laabatay.

Dhanka kale, war-murtiyeedka shirka kasoo baxay oo labaatameeyo qodoob ka kooban ayaa intiisa badan ku saabsan horumarada ay Somalia gaartay, sida maamullada gobollada oo qaarkood la dhisay, amniga, qorshayaasha soo socda ee ay ka mid yihiin doorashooyin dhaca 2016-ka iyo dib u habeyn lagu sameynayo dastuurka.

Ugu dambayn, wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Tedros Adhanom oo ah guddoomiyaha golaha wasiirrada IGAD ayaa xiraankii shirka ka akhriyay war-murtiyeedkii laga soo saaray, wuxuuna xusay in Somalia horumar ku tallaabsatay, isla markaana ay garab-taagan yihiin.

Wasiirrada arrimaha dibadda ururka IGAD ayaa lagu wadaa inay goor-dhow Muqdisho ka dhoofaan, iyadoo weli ay xiran yihiin waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.

Comments are closed