Ciidamada AMISOM oo xeeladoodii dagaal bedelaya iyo waxa laga filan karo
Adis Ababa Jan 10,2014(SDN/QJ)-ciidamada Africa ee Soomalaiya u jooga in ay la dagaalamaan kooxaha nabad diidka ah ayaa sheegay in ay jirto baahi loo qabo in wax laga bedelo hanaanka hawgal ee hore looga bartay.
Shir ay dhawaan ku yeesheen Adis Abab madaxda difaaca dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa la iskula eegay sida ugu haboon ee isnedelka loo hirgelin karo.
Madaxda ciidamada AMISOM ayaa isla qaatay in kooxda Al Shabaab ay bedeshey hab dagaaleedkii looga bartay ee is hujuunka, iyaga oo u bedelay ku dhufo oo ka dhaqaaq.
Crispus Kiyonga oo aah wasiirka Difaaca Ugaandha oo ciidamada ugu badani ay Soomaaliya ka joogaan ayaa sheegay in bacdamaa shabaabkii la wiiqay loo baahan yahay hadana in la feejignaado.
Wasiirku waxa uu intaa raaciyay in loo baahan yahay in la soo qabqabto haraaga faraha badane ee Shabaabka ah ee dhuumaaleysanaya iyo in miinooyinka magaalada laga guro wadoonyinka.
Ciidamada AMISOM ayaa hawlgalada iyo ujjeeyinka ay Soomaaliya u joogan ay iyo danaha umadda Soomaaliyeed ayaa aheyn qaar aan isla jaan qaadin Karin,
SDN/QJ-Adis Ababa