|

Boqor Buurmadow Oo Ku Dhawaaqay Inuu Ku Biiray Xisbiga Waddani, Xukuumaddan Siilaanyona ku Sheegay Mid Wax qabatay Balse Caqabadi Haysato

Dubai:Jan,10,2015(SDN/QJ)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud(Buurmadow), ayaa markii ugu horraysay ka Hadlay Fikir ahaan xisbiga uu taageerada u hayo marka la eego saddexda Xisbi siyaasadeed eek a jira Somaliland.

buurmadowBoqorka oo ka Hadlayey Munaasibad lagu soo dhaweynayey Guddoomiyaha Waddani oo haatan ku sugan Dalka Imaaraadka Carabta, ayaa  si lama filaan ahugu dhawaaqay inuu ka tirsan yahay Xisbiga Waddani oo muddooyin dambe kulayl iyo culays badan ku haya xukuumadda, waxana uu  tilmaamay inuu ahaa madax-dhaqameedkii ugu horreeyey ee si cad u sheega inuu taageersan yahay Xisbiga Waddani.

Boqorku waxa uu sheegay inay muuqato Saansaantii uu Xisbiga waddani ku gaadhi lahaa Guusha uu ku noqonayo Hoggaamiyaha Waddanka,

“Waxaan umaleynayaa nimanka madaxdhaqameedka ah ee salaadiinta ah waxaan ah ninka kaliya ee ku dhawaaqey ee yidhi Waddani ayaan ahay waa anniga.laakiin Waddani marka aan guddoomiyaha u yimaado waxaa jirta fardaha farasbaa jira colka kula oo bulaale la yidhaahda, xakamaha haddaanu lahayn, markaa guddoomiyaha waxaan ku yidhaahda waar guushii waa ay dhawdahayee kuwo xakamaha u baahan ayaa jiree aan u samayno ayaan idhi”Ayuu yidhi Buurmadaw.

Boqorka ayaa sheegay inuu Madaxweyne Siilaanyo Wax badan dalka ka qabtay, isla-markaana ay waxaasi yihiin qaar muuqda, balse ay haddana barbar socdaan Cabasho  ka imanaysa Beelaha Dalka ku dhaqan, waxana uu arrintaas u sibir saaray inaanay taladu gaadhin halkii  la rabay.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed