Akhri Magacyada Afar Wasiir Oo Markale Caqabad ku Ah Magacaabista Xukuumadda Cusub Ee La Dhisayo
Muqdisho:Jan,09,2015(SDN/QJ)-Waxa wali caqabadi ka taagan tahay dhismaha Xukuumadda Cusub ee Ra’isal wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, kadib markii uu madaxweyne Xasan Sheekh keenay Liiska Afar xubnood oo uu ku dhegan yahay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Ra’isal wasaaraha ku khasbaya inuu Xukuumadda kusoo daro Afar xubnood oo ay saaxiib dhaw yihiin, kuwaas oo uu Ra’isal wasaaraha laftiisu ka gaws adaygsan yahay.
Shaqsiyaadka ugu waaweyn ee Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid diiday inuu ku soo daro Golaha wasiirada cusub ee madaxweynaha doonaya inay ka mid noqdaan waxaa ka mida:
1. Xuseen Cabdi Xalane
2. Fawsiya Haji Aden
3. C/llaahi Goodax Barre
4. Cabdi Xoosh Jibriil
Arrintan waxay keentay in madaxweyne Xasan Sheekh uu meesha ka saaro C/kariin Guuleed, laakiin wuxuu si weyn ugu dhegan yahay in labada xubnood ee kale lagu daro Golaha Wasiirada, taasoo Cumar C/rashiid diidan yahay. Muranka ugu weyni wuxuu ka taagan yahay Xuseen Cabdi Xalane oo balanqaadyo badan looga baxay, haddana ay mar kale halis ku jirto rajadiisa ka mid noqoshada xukuumada cusub.
Faarax C/qaadir oo lafdhabar u ahaa khilaafkii golayaashii wasiirada hore ayaa iska qariyay muranka socda, waxaana beesha Shanaad xubnahooda lagu wadaa inuu ka soo dhex muuqda xilliyada ugu danbeeya. Khadiija Maxamed Diiriye ayaa la filayaa inay dib u hesho jago wasiirnimo.
Dhinaca kale wuxuu madaxweynaha ku guuleystay in qaar kamida xubno uu taageersan yahay, kana mid ahaa golihii hore ee wasiirada ay ka mid noqdaan xukuumadda cusub waxaana ka mida:
1. Mahad Maxamed Salaad (oo Wasiir u sharxan)
2. C/llaahi Maxamed Nuur (Oo xilkiisii wasiiru dowlaha maaaliyada dib ugu sharxan)
Xubin kasta oo golaha cusub ee wasiirada ka mid noqoneysa wuxuu Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid shardi uga dhigay inay taageero ka heysato xildhibaanada Beesha ay ka soo jeedo, taasina waxay sii ragaadisay magacaabidda Golaha wasiirada iyadoo la ogyahay in inta badan xildhibaannada isku beesha ah ay ku tartamayaan jagada beeshooda ka soo gaadhay xukuumadda.
SDN/QJ