|

Xubin Sare Oo Ka Tirsanayd Maamulka Puntand Oo Lagu Dilay Degmada Xarfo Iyo Sababta Dilkiisa

Xarfo:Jan,09,2015(SDN/QJ)-Sarkaal sare oo ka tirsanaa wasaarada Maaliyadda ee Maamulka Puntland, ayaa shalay khamiistii lagu dilay Degmada Xarfo oo uu ka shaqaynayey.

BASTOLADSarkaalka la dilay, ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Macalin Yaasiin Ciise, wuxuuna ahaa Madaxii Khasnajiga ee Maamulka Xarfo. Waxaana la tilmaamay inay dileen askar ka tirsan Ciidanka Puntland.

Dilka oo dhacay Khamiistii, ayaa yimid markii uu Macalin Yaasiin amray in askarta laga jaro lacago guno ahayd, oo la siin jiray.

Sii Haayaha Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland General C/laahi Shire Dool, ayaa wuxuu xaqiijiyay dilka loo geystay Macalin Yaasiin.

Sii Hay’adaha, ayaa tibaaxay in askartii geysatay dilka Macalin Yaasiin ay ku baxsadeen gaadhi, isla-markaana ay u carareen dhinaca buuraha Gobolka Mudug, sida uu sheegay.

General Dool waxa uu intaa ku daray in Boolisku uu wado baadhitaano ku aadan askartaasi, si Cadaaladda loo horkeeno.

Axmed Muuse Nuur, Gudoomiye Ku Xigeenka Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland, ayaa isna sheegaaya in Maamulka Gobolka Mudug uu ka xun yahay dhacdadaasi, Booliskana looga fadhiyo inay gacanta ku soo dhigaan kuwii dilka geystay.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed