Shabaabka oo toogasho ku dilay rag ay ku eedeeyeen basaasnimo
Baardheere Jan 08,2015(SDN/QJ)-Kooxda Al Shabaab ayaa toogasho ku dilay afar ruux oo ay ku eedeeyeen in ay u basaasayeen ciidamada Itoobiya iyo sirdoonka Mareykanka.
Toogashadan oo ka dhacday degaanka Baardheere ee gobolka Gedo oo ah xarun ay shabaabku weli gacanta ku hayaan.
Toogashadan ayaa ku soo beegmeysa maalmo ka dib duqeymo isdaba jog ah oo duyuuradaha Mareykanku la beegsadeen madaxda Shabaabka ee Konfurta Soomaaliya.
Mid ka mida raga la toogtay ayaa lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa duqeyntii lagu dily dhawaan sarkaal sare oo ka tirsanaa.
Ragan ayaa lagu toogtay fagaare ay ku soo xoomeen dadka degaanka oo u soo daawasho tegay ragan basaasnimada lagu eedeeyay.
Ma aha markii u horeysay ee Shabaabku toogtaan dad ay ku eedeeyeen in ay basaasiin yihiin iyada oo cadeymo muuqda la soo bandhigo.
SDN/QJ-Baardheere
contact@qurbejoog.com