|

Wasiir Hore Saaxiib Ula Ahaa Madaxweyne Siilaanyo Oo Beeniyey Inuu Xamar u Xiisooday Hankiisana Gaadhsiiyey Heer Madaxweyne

London:Jan,08,2015(SDN/QJ)-Maxamed Cabdilaahi Cumar oo muddaddii ay xilka haysay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa jawaab adag ka bixiyey warar dhawaanahan laga baahiyey oo ku xidhiidhinayey inuu xubin wasiir ka noqon doono Muqdisho.

borgeMaxamed Cabdilaahi Cumar waxa uu sheegay in wararkasi ay yihiin Been abuur, isla-markaana aanay waxba ka jiriin.

Todobaadadii u dambeeyay waxaa isa soo tarayay shakiga laga qabo war ay baahisay Shabakad lagu magacaabo African Intelligence oo sheegtay in wada hadalkii Somaliland iyo Somalia ee Jabuuti lagu lafo guray sidii golaha wasiiradda cusub ee Somalia loogu dari lahaa Masuuliyiin waayo arag ah oo Somaliland ka soo jeeda, iyadoo la xusay Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar,Safiirka Somaliland ee Kenya Mr Sifir iyo Wasiirkii daakhiliga Dr Maxamed Nuur Carraale Duur.

“Warka qaar ka mid ah mareegaha wararku qoreen ee sheegaya in shirkii Somaliland iyo Somaliya ee Jabuuti ka dhacay lagu soo qaaday sidii aan anigu ugu mid noqon lahaa dawladda Federaalka ee Somaliya, waxaan caddaynayaa inuu yahay warkaasi mid aan run ahayn oo la been abuuray. Waxaan shacabka Somaliland iyo taageerayaashaydaba u sheegayaa in ay sidaa ula socdaan” ayuu Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar ku yidhi Qoraal uu arrintan ku beeniyay isagoo London kusugan

Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa sheegay inuu ku talo jiro sidii uu Somaliland Madaxweyne uga noqon lahaa  “Haddii aan doonayo kursi dawladeed waxay fursado badani iiga furan yihiin Somaliland oo ku talo jiro sidii aan hogaanka dalka ugu guulaysan lahaa markay ku haboonaato.”

Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar ayaa haatan ah Sarkaal Midawga Yurub iyo Midawga Africa wada jir ugu magacaabeen xal u helista Qalalaasaha siyaasadeed ee meelo badan oo Africa ah ka jira.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed