Akhri Magacyada iyo Da’da Raggii Hubaysnaa Ee Shalay Weeraray Xarunta Wargeyska ee Ku Taalla Paris
Paris:Jan,08,2015(SDN/QJ)-Warar dheeraad ah, ayaa kasoo baxaya Weerarkii shalay lagu qaaday xarun wargeys oo ku taalla Dalka Faransiiska oo ay ku dhinteen tiro dad ahi.
Weerarkan oo ay fuliyeen Koox Ka koobnayd saddex nin oo goobtas ka baxsaday, ayaa waxay dileen 12-qof oo siddeed kamid ahi saxafiyiin ahaayeen, halka laba boolis ahina ay dhinteen, iyagoo dhaawacay toddoba kale.
Khadar axmed xasan oo kamid ah Soomaalida Paris deggen, ayaa warbaahinta u sheegay la Baahiyey faahfaahin kooban oo sheegaysa waxa maagacyada iyo Da’da saddexda nine e Weerarkaas geystay, waxana la sheegay in laba ka mid ahi ay wali maqan yihiin.
Ragga weerarka geystay, ayaa ilaa iyo hadda magacyadooda lagu kala sheegay siciid oo 32 iyo Rashiid 54-jir ah oo walaalo ahaa iyo Xaamud oo ah 18-jir oo la sheegayo inuu Booliska isku dhiibay.
Dhalashada dadkan ayaa la tilmaamay inay faransiiskad haystaan, iyadoo asalkooda wali aan si rasmi ah loo shaacin.
Ilaa iyo haatan waxa jira qas badan, wadooyinkana waxa tuban Boolis tiro badan, iyadoo madaxweynuhu hadal uu jeediyey in saddex cisho ah calanka dalkaasi hoos loo dhigi doono, isla markaana loo baroor diiqi doono dadkii geeriyooday.
Faahfaahinta raggan weerarka geystay, ayaanay wali Bolisku si rasmi ah usoo saarin, waxana ay sheegayaan inay dhawaan maclumaadka oo dhan soo gudbin doonaan.
SDN/QJ