“Waxa jira Saxaafadd kale oo aanay Dawladdu lahayn, laakiin ay dawladdu hoosta ka leedahay” Murashax Jamaal Cali Xuseen
Hargaysa 08.Jan 2015 (SDN/QJ)- Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa Warbaahinta u soo jeediyay inay ilaaliyaan dhex-dhexaadnimadda oo wararka ay Bulshadda u soo tabiyaan u soo bandhigaan si sax ah.
Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlay munaasibad ay xilka kula kala wareegayeen Hoggaanka cusub ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJ oo lagu qabtay Magaaladda Hargeysa waxa kale oo uu Hoggaanka cusub ee ururka SOLJA ugu baaqay inay sameeyaan Guddi anshax-marisa Warbaahinta baahisa warar aan xaqiiq ahayn, isla-markaana ay tababar aqoontododa kor loogu qaadayo u furto Wariyayaasha.
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa“Saxaafaddu waa Xisbiga afaraad ee Somaliland, xisbiga afaraad sidee bay u tahay ? waa ku danta Ummadda ilaalinaya, Saxaafadda waxa saran Masuuliyadd ah inay Ummadda ilaaliyaan. Saxaafadda waxa laga doonayaa iyagga oo aan dantoodda eegayn inay ilaaliyaan danta qaranka, waxyaabaha danta qaranka duulaanka ku ah ee khal-khalka gelinaya-na inay qoraan maaha (National Security), laakiin waxyaabaha kale ee u baahan inay Ummaddu ogaato Saxaafadda masuuliyad gaar ah ayaa ka saaran inay soo bandhigto, qoladda Xukuumaddu wey is kala qaybisaa marna waa Xisbiga KULMIYE, marna waa Xukuumaddii waana isla iyagii uun, markaa Kubadda waxay ku ciyaaraan Xukuumadda marna Xisbiga KULMIYE, waana tan la yidhi hadalka Wasiirk Cukuse ayaa kaga dambeeya, meeqaam ahaana may ahayn oo anigaa ka daraja sareeya.”
Jamaal Cali Xuseen waxa uu intaas ku daray “Waxa jira Saxaafadd kale oo aanay Dawladdu lahayn, laakiin ay dawladdu hoosta ka leedahay, Saxaafadda madaxbanaan waxaan leeyahay in aad Cadaaladda sugtaan-baa loo baahan-yahay oo dawladda iyo xisbiyadda qaranka-ba aad u sinaataan ayaa la doonayaa. Anagu (Xisbiyadda mucaaridka) ma jirto Warbaahin aanu leenahay, laakiin Dawladdu waxay leedahay Tv-gii qaranka, inkasta oo ay Umamaddu leedahay haddana Xukuumaddu iyadda uun-baa isku faanisa oo Xisbiyaddii qaranka inaad kaalintoodda siisaan waa mid ay Cadaaladdu ku jirto, markaa inaad sinaanteedda eegtaan ayaa la doonayaa.” Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.
Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID waxa uu Hoggaanka ururka SOLJA ugu baaqay inay Guddida anshax-sameeyaan, waxaanu yidhi “Hoggaanka SOLJA waxaan leeyahay waa inaad Guddida anshax-marin ah samaysaan oo Xisbiyadda marka war Been-abuur ah laga qoro ay helaan meel ay u soo cawaddaan, anaguna dadka ma xidh-xidhno ee waanu samirnaa mana cabano oo dadka ma xag-xagano. Saxaafaddu waa shay muhiim ah oo aynu leenahay oo loo baahan-yahay in aynu ilaashano , qaranimadda Somaliland waxyaabaha dhidibadda u haya ayay Saxaafaddu ka mid tahay, waxa kale oo aan ku talinayaa in Wariyayaasha tababar la siiyo, waxa kale oo aan ku talinayaa in Dawladda warar aan sax ahayn oo khalad ah oo weliba Shakhsi weerar ah in laga qoro maaha, laakiin wixii cad in wax laga qoraa wey wanaagsan-tahay.”