Golaha Deegaanka ee Berbera oo Qaadacay in Wershada Laydhka ee Berbera laga dhigo Mid Madax bannaan DAAWO
Berbera 07.Jan 2015 (SDN/QJ)- Golaha Deegaanka Magaalada Berbera ayaa fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta isugu yimaadeen waxay Gaashaanka ku dhufteen in Wershada Laydhka ee Magaalada Berbera marnaba lagu wareejin Karin dad madax-banaan (Private),balse ay ku jiri doonto gacanta xukuumadda.
Fadhigan aan caadiga ahayn oo uu shir gudoominayay Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin), ayaa waxa ka soo xaadiray 18 Xildhibaan oo ka mida mudanayaasha Golaha Deegaanka Berbera.