“Saaka Laba Carruur ah Buu Ey Ku Cunay Hortayda, Dhakhtarkii Baa la Geeyey Irbaddii lagu mudi lahaana Dalka Ma Taallo Oo Djibouti Baa Loo Qaaday, Xeerkii……”Xildh. Indho-indho.
Hargeysa:Jan,07,2015(SDN/QJ)-Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho oo kamid ah Mudanayaasha Aqalka Guurtida Somaliland, Xubinna ka ah Guddida Arrimaha Bulshada ee Golahaas, ayaa ka Hadlay Dhibaatooyinka xagga Nolosha ka Haysta Shacabka Somaliland iyo Dibu dhaca ka muuqada Arrimaha Bulshada Dalka.
Xildhibaanka ayaa ugu horrayn ka Hadlay Dhibaato ay carruurta Dugsiyada iyo shacabka kaleba ku Hayaan Eyda oo si xad dhaaf ah ugu soo badanaysa Suuqyada Magaalada Hargeysa, waxana uu soo jeediyey in si degdeg ah wax looga qabto.
Xildhibaan Indho indho oo Warbixin ka Horjeedinayey shalay Golaha Guurtida, ayaa sheegay in iyadoo Eydu dalka kusoo badanayso haddana aanay dalka oollin Irbaddii ama daawadii lagu mudi lahaa qofka Eygu qaniino, waxana uu soo bandhigay Carruur yar yar oo Hortiisa Eydu ku cuntay, kuwaas oo loo waayey Irbaddii lagu mudi lahaa,
“Waagu markuu Beryo ilaa iyo Toddobada Subaxnimo Carruurtii baa Iskuulada Tegaysa, Eyda Magaalada Joogtaan Adhiga magaalada kama yara. Irbaddii lagu mudayey Qofka Eygu qaniinana Waddanka ma taallo, Xeerkii xannaanada Xoolahana waynu ku qornay in Eygu liisan leeyahay, Carruurtiina Eybaa eryanaysa Marka waagu beryo, Saakana Labuu hortayda ku cunay, dhakhtarkaana la keenay Irbad waa loo waayey oo Djibouti ayaa loo saaray Diyaarad, xeerka Xannaanada Xoolahana way ku taalla inay Eydan la laayo Wixii aan Dad lahayn.” Ayuu yidhi Xildhibaan Indho indho.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale ka Hadlay dhibaatada shacabka ka Haysata Isticmaalka Shillinka Somaliland, waxana uu ku dheeraaday Sida dalka ay ku mashaqaysay Lacagta Doollarka oo Maanta wax iibku ku xidhan yahay, waxana uu yidhi,
“Umaddii lacagtii Somaliland ee aynu mushaharka ku qaadanaynay kiradii Guryaha laga qaadan maayo oo Batrol lagaga iibin maayo, Nin walibana waxa uu leeyahay Dollarkii imisuu marayaa, Macallinkiina waxa uu leeyahay Dollar keena, ma Maraykan baynu nahay, arrintaasina waa Mushkilad dadka Haysata, waxana aan soo jeedinayaa in dadka Aqallada Kiraynaya iyo Kuwa Wax iibinayaa ay lacagta Somaliland qaataan.”
Waxa kale oo uu Xildhibaan Indho-indho ka Hadlay Dhibka ka taagan shirkadaha kala duwan ee Isgaadhsiinta eek a jira Dalka oo aan Macaamiishoodu wada Xidhiidhi Karin, waxana uu tilmaamay in xeerarkii Isgaadhsiinta ee ay ansixiyeen ay noqdeen qaar Fadhiid ah oo aan shaqaynaynin, isagoo Golaha usoo jeediyey inay Masuuliyiinta wasaaradda Arrimaha Bulshada Arrimaha Bulshada ku shaqada leh u yeedhaan,
“XeerNo51-Halkanaynu ku Ansixinay xeekii isgaadhsiinta ayuuna ahaa, balse dadkii Saddexdii TeLefoon sidii bay u sitaan Qof qof kale la hadlayaana ma jiro, Waxana aan soo jeedin lahaa Halloo yeedho Wasiirrada Wasaaradaha, Boostada, Caafimaadka, Xaannaanada Xoolaha intaba halloo yeedho oo Guluhu Halkan haku weydiiyo.” Ayuu yidhi Xildhibaan Indho-indho.
SDN/QJ