|

“Boorama waa Kursigii dawlada oo dhami ku fadhiday, garbaa naluugu leeyahay inaan tago oo aanu xaalada dejino, Xukuumadduna noomay diran anaguna…” Xaaji Cabdi Waraabe

Hargaysa 07.Jan 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Guddida joogtadda Golaha Wakiiladda Somaliland Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (X. Cabdi-waraabe) ayaa nasiib-daro ku tilmaamay inuu Suldaan reer Somaliland ahi qoriga-qaato, isla markaana waxa uu ku taliyay in Golaha Guurtiddu ay xal ka galaan arrinta Suldaan Abubakar Cilmi Wabar .

A-XAAJI-CABDI-WARAABE-NEW_1_bccf9Sidaa waxa uu Xaaji Cabdi-Waraabe ku sheegay mar uu  warbaahinta u waramayay, isaga oo ku dooday in Suldaan Wabar diyaar loola yahay wax ka qabashadda tabashooyinka uu tirsanayo ee kaanay inuu ka hor-yimaddo jiritaanka iyo qaranimadda Somaliland.

“Boorama waa Kursigii dawlada oo dhami ku fadhiday, garbaa naluugu leeyahay inaan tago oo aanu xaalada dejino, Xukuumadduna noomay diran anaguna waanu ka gaabinay kaalinta aanu ku lahayn, haddana waanu la soconaa in ay ka shaqaynayaan xaalada Gobolka Awdal. Dadka ay isku deegaanka yihiin Suldaanka diidan Somaliland.” Ayuu yidhi X. Cabdi-waraabe.

Xaaji Cabdi-waraabe waxa uu intaas ku daray “Hadana wixii nalooga baahdo Xukuumadda ayaanu iska arki -doonaa,wixii tegid leh waanu tegi, wixii nagu baaqdayba waanu qaban, lakiin waxaanu leenahay Boorama Gobolada dalka Somaliland La mid maaha. Markii Ingiriisku dalka haystay kuwaas ayay lasaaxiib ahayeen,tani markay dhalatayna Iyaga Aabe u ah oo waa halka ay Somaliland ka dhalay,waxaanan u soo jeedin-lahaa duul-duulka iska-ilaaliya.”

“Kursigii Madaxwayne ku xigeenka Boorama iyadaa ku fadhida, wixii ay tabanayaan diyaar ayaa loo yahay in wada-hadal ku sheegtaan, lakiin inta uu Suldaan meel ka kaco qorina-qaato waa nasiib-darro aad u daran. Somaliland maanta uma baahna in la tuur-tuuro, Suldaan nabad diid ahna weli lama arag,dad qori qaatana maanta Somaliland ma ogola.”Ayuu yidhi

Guddoomiyaha Guddida joogtadda Xaaji Cabdi-waraabe waxa uu sheegay in tabashadda uu qabo Suldaan Wabar diyaar loola yahay in wax laga qabto, waxaanu yidhi “Wixii aad tabayso Suldaan afkaaga ka sheeg oo kaalay, dalkana waxa jooga Madaxwayne aan dhalinyaro ahayn oo Nin wayn ah oo Garawshiyo bixiya, wixii aad tabanayso dhamaan waa kuu diyaar, Golahii Baarlamaankii, Odayaashii, Wax-garaddkii iyo dhamaan shacabka Somaliland.”.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed