Mudaharaado Ka Dhacay Magaalda Xarshin,Odyaal La Xidh Xidh-Xidhay Iyo Damaca Madaxwayne Iley.
Xarshin 06.Jan 2015 (SDN/QJ)- Waxaa maanta deeegaanka xarshimeed ee ka tirsan maamulka kilalka shanaad ee itoobiya ka dhacay mudaharaad ay dhigayaan dadka deegaankaasi
Mudaharaadkan oo aha mid balaadhan aya waxa la sheegayaa inuu saamayn balaadhan ku yeeshay isu socodka iyo ganacsiga magaalda ,mudaharaadkan ay samaynayaan dadka deegaanka xarshin ayaa waxaa uu salka ku hayaa colaad muddo dheer soo jiitamaysay, colaadas oo ay lug wayn ku leedahay maamulka kilalalka shanaad ee itoobiya isla markaana rabta inay laba ukala qaybiso dadka wada dega deegaankaasi iyadoo doonaysa in deegaankaasi laga sifeeyo dadka aan la haybta ahayn madaxawaynaha maamulka somalida itoobiya ee degan laguna deegaameeyo oo kaliya lana siiyoo dhulkaasi beelaha uu kasoo jeedo madaxwynaha kilalka shanaad ee dalka itoobiya.
Maha markii u horaysay ee dhibaato noocan oo kala ah ay ka dhacdo degaankaasi balse si is daba jooga ayay usoo noq noqonaysaa arinta taas oo maamulka kilalka shanaad uu mar walba dhibaato isugu jirta dhimasho iyo dhaawacba ugu gaysanayaan dadka degga deegaankaasi .
Wararka naga soo gaadhaya magaaladasi Harshin, ee ka tirsan dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, ayaa sheegayaa in odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda deegaanadaasi in la iyagana la xidh-xidhxidhay
Geesta kalana Illo wareedyo ka ag dhaw arrimahan ayaa noo xaqiijiay in Odayaal iyo waxgarad ka kala socda deegaanadda lagu muransanaa ee ay shaqaaqoooyinku hore uga dhaceen oo ku yaalla arraarso iyo Cobale dhexdooda oo ah deegaan qeybiya Carro Isaaq Iyo Absame, aya kulan nabadeed isugu yimi maalniii shalay magaalada Cilmi Xirsi, waxaanay si buuxda isugu af-garteen markii hore oo ay kala qaateen geel mag ah oo ay dhinacyadu ka kala bixiyeen Sagaal nin oo ay beelaasi ku kala dileen colaad ka dhalatay la’aanshaha deegaanadaa.
Warku waxa kale oo uu intaa ku daray in markii ay Odayasha labada dhinac ay ka faraxasheen bixinta magahaa, in ay isla qaateen in Beel waliba ay soo saarto Soddon Oday, oo ka wada hadla sidii xal waara looga gaadhi lahaa la’ahaansha deegaanadaa lagu muransan yahay iyo sidii loo samayn lahaa dhul madde ah oo kala qeybiya dhulkaa., balse waxa lagu soo waramayaa in markii ay odayaashii labad dhinac ay bilaabeen wada-xaajoodka in ay goobta yimaadeen cagafyo iyo ciidan ka socda dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, oo ka kala yimi magaalooyinka Jigjiga iyo Dhagax-buur, kuwaas oo cagta mariyay dhulkii lagu muransanaa.
Dad goob joog ahaa oo codsaday in aan magacooda la sheegin sababo la xidhiidha amnigooda ayaa xusay in Ciidankii ka socday dawlad deegaanka Killilka Shanaad ay ku khasbeen odayaashii ka soo jeeday galbeedka deegaanada Harshin, in ay si khasab u saxeexaan dhul cusub oo madde u noqon doona deegaanada ay labadaa beelood ku muran san yihiin, balse ay odayaashi ay diideen go’aankaa lagu khasbay, taas oo la sheegay in xidhxidheen ciidamadii ka socday dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.
Illaa iyo hada ma jiraan wax war ah oo ku saabsan arrimahan oo ka soo baxay dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, waxaana lagu soo waramayaa in xaaladda deegaanadani ay weli qasan tahay.