Faarax Sheekh Cabdiqaadir oo la kulmay dhiggiisa Turkiga iyo arrimaha ay ka wada hadleen
Istanbul 06.Jan 2015 (SDN/QJ)- Sii-haya xilka wasiirka wasaaradda caddaaladda iyo arrimaha dastuurka ee xukuumadda federaalka Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kula kulmay dhiggiisa dalkaasi Bekir Bozdag.
Labada masuul ayaa kawada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal, iyo sidii dowladda Turkigu ay usii wadi laheyd horumarrada ay ka waddo Soomaaliya.
Sidoo kale masuuliyiintu waxey kawada hadleen sidii wasaaradda caddaaladda ee dalka Turkiga ay tababar u siin laheyd shaqaalaha wasaaradda caddaaladda iyo arrimaha dastuurka ee Soomaaliya, iyo sidii loo hormarin lahaa wasaaradda.
Faarax Sheekh Cabdiqaadir iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dowladda Turkiga.
Dowladda Turkiga ayaa xiriir dhow la leh Soomaaliya, waxeyna dalka ka wadaa mashaariic kala duwan oo dhinaca horumarka ah.
Istanbul SDN/QJ
contact@qurbejoog.com