Guddoomiyaha Mareykanka Xisbiga WADDANI Oo Si Adag Uga Hadashey Xaalada Guud Ee Dalku Maraayo DAAWO.
Hargeysa 06.Jan 2015 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha Mareykanka ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, Marwo:Muna Cali Fidhin oo muddooyinkii danbe ku sugneyd gudaha dalka Somaliland, ayaa si adag uga hadashey xaalada guud ee dalka, waxaana ay sheegtay in xukuumada dalka ka talisaa ay tahay xukuumadii ugu liidatay ee wadanka soo marta, iyada oo carabka ku dhufatay in ay xukuumada jirta gabtay doorkii ay ku lahayd wax ka qabashada baahiyaha aas saasiga ah ee dalka.
Marw:Muna Cali Fidhin, ayaa hadalkan ka sheegtay mar ay maanta warbaahinta ugu waramaysay magaalada, waxaana ay ugu horeyn ka warbixisay u jeedada socdaalkeeda ay ku timi dalka, iyada oo tibaaxday in ay u timi arrimo gaar ah, iyo sida oo kale sidii ay u kala warqaadan lahaayeen hogaanka sare ee xisbiga Wadddani.