“Ninkaa Suldaanka ahi(Wabar) waa Nin God ku jira,Nin meel wax ka samayn karana ma aha, Nin ciidan Haystana ma aha, nin wax qabanayana ma aha, xukuumaddana waxan u dhaliilayaa…”Boqor Buurmadow
Dudabi:Jan,06,2015(SDN/QJ)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow oo kamid ah Madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa markale ka Hadlay Arrinta ka dhalatay Dhawaaqa Suldaan Wabar iyo caaddifadda uu ka dhaliyey Gobolka Awdal.
Boqorka oo u warramay qaarkamid ah Warbaahinta Dalka, ayaa sheegay in aanay jirin in wax saamayn ah oo uu Suldaankaasi leeyahay, isagoo intaas ku daray in si weyn loo buunbuuniyey oo aanay jirin wax awood ahi.
Boqorku waxa uu farta ku fiiqay in Suldaan Wabar uu Geed Hoostii ku jiro, isagoo Qurbejoogta Gobolka Awdalna ku tilmaamay qaar dhibaatadaas horsed ka ah,
“Ninkaa Suldaanka ahi waa Nin God ku jira,Nin meel wax ka samayn karana ma aha, Nin ciidan Haystana ma aha, nin wax qabanayana ma aha, xukuumaddana waxan u dhaliilayaa inay arrinkaas Buunbuunisay, arrintanna waxa wata niman qurbejoog ah, qurbejooguna reer Kasta oo soomaali ah dhibaato ayey ku hayaan.” Ayuu yidhi Boqor Buur madow.
Boqor Cismaan waxa uu madaxweynaha ugu baaqay inuu dhegaysto Dhawaaqyada xasiloon ee kasoo fulaya Salaadiinta Reer Awdal ee Tabanaya, waxana uu ku baaqay in Wax laga qabto Tabashadooda, waxana uu yidhi,
“Suldaan WABAR waa saaxiibkay arrintanina waxba u tari mayso, madaxweynahana waxan leeyahay salaadiintii maslaxadda ka talinaysay ee garanayso dhibaatada dagaalku leeyahay inuu la fadhiisto oo la tashado, tabashadoodana wax ka qabto, Xildhibaan Axmed-yaasiina waa in la dhegaystaa”
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com