Madaxweyne Geelaha Djibouti Oo Khilaafka Madaxda Somalia Ku Tilmaamay Mid Kasoo Burqunaya Dhinaca Distoorka, Sida lagaga Bixi Karana Soo Jeediyey
Djibouti:Jan,06,2015(SDN/QJ)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Ismaacil cumar Geelle, ayaa ka Hadlay arrimo Badan o ay kamid yihiin Awoodda ururka Al-shabaab iyo Khilaafka soo noqdnoqday ee dhibaatadda ku ah HOggaanka Dalka Somalia.
Madaxweyne Geelle oo u warramayey Idaacadda VOA-da, ayaa ku dheeraaday ugu horrayn araagtidiida ku aaddan isbeddelka ku yimi Awoodda Ururka halista ku ah Nabadda Somalia ee Al-shabaab, waxana uu qiray in Awooddii hoos u dhacday, balse Khatartoodii wali taagan tahay,
“ Wali Khatartu way jirtaa oo lama diidi karo, laakiin awoodda Al-shabaab inay yaraanayso waan aaminsanahay, dadkuna waa ka daalay iyagan waa la laciifiyey, wax isqarxin ah oo ay carruur ku xidhayaan bambooyin mooyaane dagaal fool ka fool ahi wuu ku yar yahay,” ayuu yidhi Madaxweyne Geelle.
Madaxweynaha, ayaa waxa uu ka Hadlay in Haddii Dhaqaalaha iyo Dedaalka lagu bixiyey Xoogagga AMISOM ay ka wanaagsanaan lahayd in lagu bixiyo Ciidanka soomaalida, waxana uu yidhi, :anigu waxan aamin sanahay waxa xoolo lagu bixinayo AMISOM Haddii rubuceed askar soomaaliyeed lagu tababari lahaa way wanaagsanaan lahayd, imikana taasi waa socotaa oo tababarro ayaa socda.”
Madaxweynuhu waxa uu ka Hadlay Khilaafka soo noqnoqday ee Madaxda Soomaalida, waxana uu arrintaas u nisbeeyey Xagga Distoorka dalka oo u baahan in dib loo eego, waxana uu yidhi,
“waxbaa dee qaldan oo ay tahay in la garto, aniga in distoorka ay wax ka qaldan yihiin bay iiila muuqataa in mar loo fadhiistana way fiican tahay, marwalbana in khilaaf yimaaddo waddanka waa u dhibaato, waxkastaana waxay kusoo noqonaysaa in distorku u baahan yahay in dib loo eego.”
Waxa uu dhinaca kale Madaxweyne Geelle ka Hadlay Khilaaf ayaamahan ka taagnaa Afhayeenka Ciidanka AMISOM oo u dhashay dalka Djibouti, kaas oo dhawaan la sheegay in xilka laga qaaday, balse wali muran ka taagan yahay.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Sarkaalka Afhayeenka u ahaa AMISMO uu ka dhamaaday muddadii xilkiisu ahaa, balse uu sugayo kaliya inta lasoo magacaabayo ninkii beddeli lahaa,
“Anagu wakhti baa saraakiishayada AMISOM annaga iyo Dawladaha kaleba meelo gaar ah ayaanu kala leenahay, kuwayaguna laba meelood bay haysay waana run oo Cali(afhayeenka AMISOM) wuu ka dhamaaday wakhtigiisii, laakiin dee kii beddelayey ilaa inta uu imanayey meeshii lama bannaynayo oo waa sii joogayaa, afhayeenka cusubina waxa uu noqon doonaa Kenya, wax dib udhigay ninkii beddel lahaana ma garanayo, cali kuma dheggana meesha Hawshiisiina inuu si fiican u gutay umadda somaliyeed way garanayaan.” Ayuu yidhi Madaxweyne Geelle.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com