Xildhibaanada Wakiilada oo Dirqi ku Meel Mariyay Xeerka Ilaalinta Kaymaha Iyo Duur Joogta
Hargaysa 05.Jan 2015 (SDN/QJ)- Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta ansixiyay xeerka ilaalinta Kaymaha iyo duurjoogta ,kadib markii maaalmihii ugu dambeeyay kooramka goluhu soo buuxsami waayay.
Fadhigan oo uu shirgudoominayay gudoomiye ku xigeenka koowaad ahna ku simaha gudoomiyaha Baashe Maxamed Faarax ayaa goluhu cod u qaadeen xeerka ilaaalinta kaymaha iyo duurjoogta. Fadhigan Maanta oo ay ka soo xaadireen 47 Mudane ayaa waxa ogolaaaday 42 Mudane, waxa diiday 3 Mudane,waxana ka Aamusay Hal Mudane, Guddoomiye ku xigeenkuna aanu Coddaynin. Sidaas ayaanu ku Ansaxay Xeerka ILaalinta Kaymaha iyo Duur joogta Somaliland. Xeerkan ayaa loo gudbin doonaa Madaxwaynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo si uu Digreeto Madaxwayne ugu soo saaro Dhaqan-galka Xeerkaasi.
Fadhigan oo ahaa kii 23aad ee Golaha Wakiilada ayaa ka mid ah Kalfadhiga 26aad, iyada oo Mudanayaashu fadhiga kan xiga ay yeelan doonaan Maalinta Sabtida ee u horaysa Todobaadka soo socda.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com