|

Madaxweyne Siilaanyo oo Xili Isku Shaandhayn laga Filayo u Shiraacanaya Ceerigaabo

Hargaysa 05.Jan 2015 (SDN/QJ)- Madaxwaynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti Wasiirro ah ayaa safar shaqo ku tagaya Magaalada Burco, iyada oo la filayo inay uga sii gudbaan dhanka Magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag.

siilaaaaaaaMadaxwaynaha iyo weftigiisa ayaa socdaalkoodu daaran yahay inay isha soo mariyaan isla-markaana soo kormeeraan dhismaha jidka Burco iyo Ceerigaabo oo si habsami ah u socda. Madaxwaynaha ayaa marka uu soo kormeero sida hawsha jidkaasi u socdo waxa uu xadhigga ka jari doonaa ilaa 30KM oo la dhameeyay, isagoo sidoo kalena dhagax dhigi doona wejiga labaad ee dhismaha jidkaasi.

Madaxwaynaha ayaa Safarkiisa waxa ku wehelin doona Wasiirka Madaxtooyada oo ay hoos timaaddo hay’adda dhismaha Waddooyinka ee Somaliland, ahna Guddoomiyaha Guddida guddida dhismaha Waddada Ceerigaabo.

Waxa kale oo weftigiisa ka mid noqon doona Wasiiru-dawlaha Maaliyadda, Cismaan Cabdillaahi Saxar-diid (Caddaani), Arrimaha gudaha, Marwada koowaad iyo masuuliyiin kale.

Madaxwaynaha oo la filayo inuu safarkan u baxo maanta ama berri (Haddii Alle Idmo) haddana Magaalada Burco ayaa shalay ilaa xalay laga dareemayey dhaqdhaqaaqyo loogu diyaar-garoobayo soo dhaweyntiisa

Comments are closed