“Arrintaasi waxay ku koobnayd Musharaxa Xisbiga Jamaal Aniguna Guddoomiye ahaan xaal ayaan idinka siinayaa” Gudoomiyaha Ucid
Qorilugud 05.Jan 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee Ucid, Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa ka raali galiyay shacabka ku dhaqan Degmooyinka Bari ee Gobolka Togdheer, cabashooyin ay gudbiyeen Musharaxa Xisbiga Ucid, Jamaal Cali Xuseen.
Faysal Cali Waraabe oo si weyn loogu soo dhaweeyay degaanada ayaa raali galin buuxda siiyay shacabkaas mar uu ka hadlayay Degmada Qorilugud, oo waxgaradka degmadaasi si weyn uga cawdeen hadalo ay sheegeen in Jamaal Cali Xuseen ku hafray dadka degaankaas, xiligii halkaasi ay ku dhinteen Sarakiishi Ciidamada Qaranku. Faysal Cali Waraabe oo ka jawaabayay hadaladaa ay sheegeen dadka degaankaasi inay hore uga soo yeedheen murashaxa madaxweynaha xisbiga Ucid, wuxuu yidhi;“Waxaan idinka mahad celinayaa sida kalgacalka leh ee aad isoo dhawayseen, arrinta runtii aad ka cabateen waxay ku koobnayd Musharaxa Xisbiga, Jamaal Cali Xuseen, arrintaa isagana waanu kala xidhiidhi doonaa, aniguna Guddoomiye ahaan xaal ayaan idinka siinaya oo waan idinka raali galinayaa..”ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe
Gudoomiyaha Ucid iyo wefti uu hogaaminayo ayaa in muddo ahba ku jira safar ay ku marayaan deegaano badan oo ka mid ah bariga Somaliland.