Muqdisho:Laba Wariye Oo Shan Bilood Kadib Maanta Lagu Wado In Maxkamad Lasoo Taago
Muqdisho:Jan,05,2014(SDN/QJ)-Maanta oo Isniin ah oo bisha Janury tahay 5-ta, ayaa la filayaa in Maxkamadda Gobolka Banaadir la horkeeno Laba wariye oo masuuliyad ka hayey Idaacado ku yaallay muqdisho oo muddo badan Dawladdu xidhay.
Saxafiyiinta maxkamadda lagu wado inay kasoo hor muuqan doonaan, ayaa kala ah Agaasimihii Idaacada SKY Maxamuud Maxamed Daahir (Carab) iyo Madaxii Wararka ee Idaacada Shabelle Maxamed Bashiir Xaashi oo muddo shan bilood ah xidhnaa.
Labada Suxufi, ayaa waxaa lagu wadaa in dacwad ay ku soo oogto Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka, inkastoo uu maanta dalka ka amba baxaayo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaran Axmed Cali Dheere.
Ilo wareedyo, ayaa waxay xaqiijinayaan in xubnaha kale ee Xeer Ilaalinta Qaranka ka tirsan, ay dacwadda ku soo ooggi doonaan labada Suxufi, xilli la rumeysan yahay in la siyaasadeynaayo kiiskooda.
Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhegaha ka daboolatay baaqyo kala duwan oo kaga imanaayey hay’adaha caalamiga ah, oo la xidhiidhkaa in la sii daayo Suxufiyiinta amaba si deg deg ah Maxkamad lagu horkeeno.
Maxamuud Carab iyo Maxamed Bashiir, ayaa shan bilood ku xidhnaa xabsiyada Magaalada Muqdisho, mudadaasina waxaa lagu guul dareystay in wax Maxkamad la soo taaggo.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com