Muqdisho Oo Laga Dareemayo Booqashada Madaxweyne Erdogan Iyo Goobo Magaciisa Loo Bixin Doono Oo La Diyaariyey
Muqdisho:Jan,05,2015(SDN/QJ)-Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somalia iyo Deegaanada ku dhaw dhaw waxa laga dareemayaa Booqashada Qorshaysan ee Madaxweynaha Turkigu Toddobaadyada soo socda ku iman doono Halkaas.
Xukuumadda ayaa wadda qabanqaabo ballaadhan oo loogu diyaar garoobayo Mooqashada Madaxweynaha oo loo arko saaxiibka soomaalida ee qarnigan, waxana sidoo kale arrintaas sugi kari la’ shacbabka oo xiiso badan u qaba.
Meelo badan oo Muqdisho ah, ayaa lagu arkayaa Calanka waddanka Turkiga oo ka Babanaya, iyadoo waliba Ammaanka si xoog leh loo adkeeyey, waxana Arrintaas la gaadhsiiyey Deegaanada ku xeeran Muqdisho oo abaabulku ka socdo.
Madaxweyne Erdogan, ayaa lagu wadaa marka uu muqdisho soo gaadho inuu xadhiga ka jaro mashaariic dhawr ah oo Dawladdiisu halkaas ka hirgelisay, waxana lagu wadaa in Cisbitaalka Degfeer oo kamid ah Goobaha Turkigu sida weyn u dhisay una qalabeeyey, waxana la filayaa in Cisbitaalkaas haatan wixii ka dambeeya loo bixin doono Erdogan Hospital sida ay sheegayaan ilo xukuumadda ka tirsani.
Safarka ayaa qeyb ka ah qorshe cusub oo uu madaxweynaha dalka Turkiga uu ku tegayo bilowga sanadkan cusub 12-dal oo Afrikaan ah.
Madaxweynaha ayaa booqan doona badhtamaha bishan dalalka Soomaaliya, Kenya, Ethopia, Tanzania iyo dalal kale, hase ahatee lama xaqiin taarikhda uu bilaabmi doono socdaalkiisa.
Recep Tayyip Erdoğan ayaa bishii August ee sanadkii 2011-ka yimid Soomaaliya isagoo xiligaas ahaa Ra’isul Wasaaraha dalka Turkiga halka uu haatan yahay Madaxweynaha dalka Turkiga.
Dowlada Turkiga ayaa saaxib dhoow la ah dowalada Soomaaliya waxaa aad loogu xasuustaa caawintii ay Turkiga caawiyeen shacabka Soomaaliya sanadii 2013-ka oo ay dalka ku dhufteen mid kamid ah abaartii ugu darnayd ee Soomaaliya soo marta abid.
Dowlada Soomaaliya ayaa dhankeeda u diyaar garobeysay soo dhaweynta madaxweynaha dalka Turkiga.
SDN/QJ