Maareeyaha Madaarka Cigaal oo ka Hadlay Wax ka bedelka Cashuuraha Madaarka DAAWO
Hargaysa 04.Jan 2015 (SDN/QJ)- Maamulaha Madaarka Caasimadda Somaliland ee Egal Intranational Airport ayaa maanta shaciyey hanaan cusub oo loo dejiyey qaabka cashuuraha laga qaado dadka soo degaya iyo kuwa ka dhoofaya madaarka.
Maamulaha Madaarka Cigaal Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo maanta warbaahinta la hadlay, waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaanu guud ahaan Macaamiisha adeegsata Madaarka ku wargalinaynaa in Nidaamkii Cashuur qaadista, hadday noqoto Cashuurtii Wasaaradda Maaliyaddu qaadi jirtay iyo hadday noqoto Cashuurtii Wasaaradda Duulistu qaadi jirtayba in nidaamkii wax laga bedelay, iyadoo aan wax cashuur kordhin ah la samayn.