Ciidanka Ammaanka Somalia Oo Damiyey Idaacadda Risaala, Tiro Wariyayaal ka Hawlgelayeyna Xabsiga u Taxaabay
Muqdisho:Jan,04,2015(SDN/QJ)-Habeenkii xalay ciidanka Ammaanka Magaalada Muqdisho, ayaa gudaha ugalay Xarunta Idaacadda Radio Risaala, waxana xabsiga loo taxaabay Tifaftirihii idaacadda oo lagu magacaabo Maxamed Kaafi Sheekh Abuurkar iyo Agaasimiheedii oo isagana magaciisa lagu sheegay Maxamed Cabdiwahaab.
Sidoo kale waxay Ciidanka Ammaanku Xabsiga dhigeen War soo saare magaciisa lagu sheegay Maxamed Cabdi Cali, waxana dhammaantood loo qaaday Xarunta Dambi-baadhista ee Ciidanka Nabadsugidda.
Xadhiga Masuuliyiinta idaacadda iyo daminta idaacadda ayaa loo Aaneynaya War dorraad ay Tebisay oo ahaa in Qof Qaba Cudurka Ebola lagu Arkay Gobolka Shabeelaha hoose, kaasoo isla shalayba ay DFS Wasaaraddeeda Caafimaadku Muqdisho kusoo Bandhigtay Sheegtayna in uu Badqabo.
Baahinta Warkaas waxaa daba Socday War Murtiyeed kasoo Baxay Xafiiska Wasaaradda Warfaafinta oo lagu sheegay in uusan Dalka soo Gelin Cudurkaa, sidoo kalena Warbaahinta looga Baahanyahay Hubsiimo ka Hor Baahinta Xogaha ay Helaan.
SDN/QJ