|

DULMIGU WAA CANCER !!!

Wuxuu ahaa nin gacan go’an oo ku qaylinaya “Qofkii gacantayda go’an arkow cidna ha dulmin”. Waa la weydiiyey, maxaa gacanta ku gooyey?. Markaasuu sheekadii jawaabtaan layaabkale kusoo koobay, Waxaan ka mid ahaa mooryaanta dulmiya dadka kale, maalin maalmaha ka mida ayaan arkay nin kalluumaysade ah oo kalluun aad u weyn badda kasoo jilaabtey, markaan kalluunka weynidiisa la yaabay ayaan ku iri, kalluunkaan isii markaasuu iigu jawaabey “Walaal Lacagta aan iibintiisa ka helo ayaan carruurta ku biishaa”, intaan karbaash kala daaley ayaan xoog Kaga qaaday kalluunkii !. Markaan inyar sii socdey ayaa kalluunkii qaniinya aad u xanuun badan suulka gacanta igaga dhejiyey, aad ayaan u xanuunsaday markii aan gurigii soo gaareyna waaba kasii daray xaalkii. Habeenkaa hurda ma ledin xanuun dartiis, waaberkii markii la gaarey ayaan dhaqso u aadey dhakhtar xanuunkayga arka ileyn xaaladu waatan cirka isku shareertaye. Dhakhtarkii markuu arkay, arinkiina baaray wuxuu ogaadey Iney cancer bilow ah noqotay, wuxuuna tallo ku bixiyey in suulka la jaro, waa la jaray suulkii welise xanuunkii ma bi’in hurdo iyo howl qabsi haba sheegin ilaa markii danbe gacantii inta farahaa (Jalaqsatada) oo dhan salka laga wada jaray, sidaana aan ku gacan go’naaday !. Markaas ayaa

Qof walba wuxuu I weydiiy war maxaa gacanta kaa jaray bisinkee?!. Anna waxaan uga xog waramaa sida wax iigu dheceen, dadka badankood wexey igula taliyeen inaan ninkii raadiyo cafis iyo raali gelina ka codsado. Baadi goob dheer kadib ayaan helay isagoon I garanayn, markaas ayaan isu sheegay inaa ahay dhiblowgii dhibkaas u geystaye waxaana ka codsaday cafis anigoo gacmaha ka dhunkanaya. Ugu damayntii wuu ii duceeyey, hadaanan saas samayna hubaashii xubin xubin ayaa la ii jari lahaa, dhacdadaan ayaana igu khasabtay inaan dulmiga ka digo lana dagaalamo intaan noolahay. ayuu hadalkiisii kusoo koobay.
DULMIGU waa halaag aduun iyo mid aakhiraba, hana la yaabin hadaad aragto qof dulmi geystey oo cudura xun xun la ildaran Sabatu waa taase. Dulmiga dadka iyo ku tagri falka xaqooda waxaa ka dhasha cudurba cururka uu ka xunyahay kana xanuun badan yahay. Hadaad aadane dulmido adduun waa kuu kadeed, welwel iyo walbahaar aakhirana xaalku kaba sii daran hadaadan cafis helin. In layska ilaasho dulmiga layskana dhowro xuquuqaha gaarkaa waa badbaado hadii kale xubin xubin in laguu jaro, in kiniini lagaa daba wado iyo inaad hurdaba iska  weydo niyada gasho.
Abdiaziz Bandiirad
Facebook: Abdi Aziz Bandiirad
Email: Bandiirad16@gmail.com.
Kuala Lumpur, Malaysia.

Comments are closed