Da’yar Abaabulan Oo Rabshado ka Abuurtay Deegaanka Siimoodi oo Shirkada Shiine ahi Macdan Ka Qodayso
Siimoodi:Jan,03,2014(SDN/QJ)-Rabshado ay wadaan Kooxo Dhallinyaro ahi, ayaa ka bilaabmay Deegaanka Buurta Siimoodi ee Degmada Baki oo shirkad chine ahi ku wado Hawlo Macdan Qodis ah.
Kooxo dhallinyaro ah oo la aaminsan yahay in laga soo abaabulay dhinaca Gobolka Awdal, ayaa rabshay shaqaalaha Goobtaas ku sugan, kuwaas oo ugu cago jugleeyey inay joojiyaan Hawlaha ay shirkadaasi waddo.
Dhalinaradan, ayaa sheegaya in macdanqodistaasi ay mustaqbalka dhibaato ku keeni doonto deegaankaas, isla-markaana aan loo baahnayn in xiligan deegaanka macdan laga qodo, halka qaar kalena ku andacoonayaan inaan shaqada laga siinin saamigii ay ku lahaayeen.
Tan iyo intii shirkadda Shiinaha ahi ka bilowday Siimoodi qodista dhagaxa qaaliga ah waxa isa soo taraya ololayaal la soo abaabulayo oo lagu diidan yahay shirkadaas iyo mashruuca ka socda Buurta.
Rabshadahaas oo marxalado kala duwan soo maray, ayaa la sheegayaa inuu haatan damiyey oo uu hoos u dhigay Agaasimaha Guud ee wasaaradda Macdanta Siciid Axmed Jibriil, kaas oo kala qaybiyey Dhallintii abaabulnayd.
Arrintan ayaa ka faa’iidaysanaysa Rabshado uu dhawaan Gobolka Awdal kaga dhawaaqay Suldaan Wabar oo duurka la galay Hub iyo maleeshiyo Beeleed.
SDN/QJ