Suldaan Wabar Oo Jawaab Adag Ka Bixiyey Hadalkii Madaxweyne Siilaanyo,Xalka Deegaankiisana ku Sheegay Mid Ku Jira Qori Caaradii
Qulujeed:Jan,03,2015(SDN/QJ)-Suldaan Abubakar Cilmi Wabar oo dhawaan sheegay inuu ka noqday Go’aankii lagu dhisay Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka jawabaay Hadallo canaan ahaa oo uu madaxweyne Siilaanyo shalay Hawada u mariyey.
Suldaan Wabar oo la Hadlay TV-ga Universal ayaa sheeegay inuu wali ku adkaysanayo Mawqifkiisii uu kaga soo horjeeday somaliland, isagoo sheegay inay ka Go’an tahay inuu xuquuqda ka maqan ku raadiyo qori caaradii.
Sudlaanka oo haatan ku sugan Goobo qarsoodi ah oo ku yaalla Gobolka Awdal, ayaa sheegay inuu ka aragti duwan yahay Madaxweyne Siilaanyo, isla-markaana xalka shacabka uu kasoo jeedo uu u arko inuu ku jiro Hannaanka Duur-galka ah ee haatan ku hawllan yahay, “waanu ku kala duwanahay mawqifkaas, waxana aanu u arkaa nabadda ay dadkaygu u baahan yihiin ay tahay sidan aan haatan ka shaqaynayo, qoriga laftiisa waxa igu kallifay nabaddayadii baa si xun loogu soo xadgudbay, taasaana igu kalliftay.” Ayuu yidhi Suldaanku.
Sudlaanka oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inaanu dheg u dhigi doonin Baaqyada ay tolkiisu usoo jeedinayaan, waxana uu si cad ugu adkaystay inuu Go’aansaday inuu ka Baxo Somaliland iyo Dawladnimadeeda, waxana uu yidhi
“baaqyadaas hore la iigu soo jeediyey waxay ahaayeen qaar muddo dhaafay, muddo dheer oo sanado ah ayaanu kasoo shaqaynaynay sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinkan na haysta, wayna ku guuldarraysteen xukuumadda iyo ciddii la mawqif ahiba in wax laga qabto, markaa dee haddana annagu waanu ka baxnay oo ma shaqanayso wax muddo dhaafay.”
Suldaanku waxa uu indhaha ka qarsaday Nabadda iyo Deggenaashaha ka jira Somaliland, waxana uu sheegay inaan arrimahaasi ahayn sida loo fasirayo, isagoo ku adkaystay inay shacabku yihiin kuwa nabadda ilaashanaya, balse aanay jirin kala dambayn la taaban karo oo dalka ka jirtaa,
“lama odhan karo somaliland waa deegaan deggen, meel walbana wax aka jira Cabasho, bariga iyo Galbeedka wax aka jira Cabasho, beelaha dhexe dhexdooda wax aka jirta cabasho, shuruucdii iyo kala dambayntii markii hore la samaystay oo ahaa kuwo iska fudud maalinba sidii mid looga baxayey, ayaa dhamaantood laga wada Baxay, sidaas awgeed, shacbiga ayuunbaa dhinacooda ka ilaalinaya, laakiin degenaansho naf leh ma aha, dadka qaarna waxay tilmaamaan in waxa Halkaasi ka jiraa ay yihiin (na Badday)” ayuu yidhi Suldaanku.
Waxa uu suldaanku ka Hadlay hannaanka Saami-qaybiga somaliland, isagoo sheegay in Wasaaradaha iyo Ha’yadaha muhiimka ahi ay u xidhan yihiin Beelo gaar ah oo la yaqaano, waxana uu meesha ka saaray Dimuqraadiyadda somaliland ka jirta, isagoo carrabka ku adkeeyey inaanay jirin wax si siman looo qaybsadaa, waxana uu yidhi,
“wasaaraduhu waxay kala yihiin A, B,C, D,. Markaa A-da Qolooyin baa iska leh la yaqaano, B-da sidoo kale Qolooyin baa iska leh la yaqaano, qolyaha qaarna waxay kusoo hadheen D ilaa F, dadkana laguma shaqaaleeyo yaa wax yaqaana, wasiirkuna wuxuu ku joogaa Reer, lamana odhan karo, waa Dimuqraadiyad, lamana odhan karo doorashooyin baa meesha ka jira, lamana odhan karo shaqooyinkaa Loo siman yahay.”
Ugu dambayntii waxa uu Suldaan Wabar sheegay in xalka uu u arko xabadda iyo qoriga uu Duurka la galay, isagoo taasna daliil uga dhigay In cidda hoggaanka Dalka haysaa kaliya ay Maqasho qoriga iyo Qalaalasha, taas beddelkeedana ay kala quusteen Wax u sheeg iyo talo badan oo hore ay ugu gudbiyeen,
“ma Arko dariiq kale oo aan ahayn kan aan hayo oo wax lagu xallin karo, in badan baanan kasoo hadlaynay beeshayadu gaar ahaan dhawrkii sano ee ugu dambeeyey aad baanu islahayn wax halloo saxo oo halla hagaajiyo, waana nala dhegaysan waayey waxana soo baxday in Kooxda Talada haysataa inaanay dhegaysan wixii talooyin ah ee wada hadal ah ee Xabadda oo kaliya ay maqlaan.”
SDN/QJ