Doomihii Tahriibka Oo Loo Beddelay Maraakiib Iyo Midowga Yurub Oo Ku Jaahwareersan Khiddadda Dadka Wax Tahriibiyaa Lasoo Baxeen
Rome:Jan,03,2015(SDN/QJ)-Dadka ka ganacsada Tahriibinta Dadka Muhaajiriinta ah ee kasii qulqulaya Qaaradaha Afrika iyo Asia, ayaa haatan Bilaabay Khidad cusub oo ay tahriibayaasha ku gelinayaan Qaaradda yurub iyagoo ka Baydhay khadkii ay hore u isticmaali jireen.
Hannaankan cusub ayaa ah in Kuwa ka ganacsada tahriibinta dadku ay iibsanayaan Maraakiib Gabow ah oo lagu qaadi jirey xoolaha ama xamuul ah, kuwaas oo ay qiimo jaban siisanayaan, isla-markaana ka Buuxinayaan Tahriibayaal tiro badan oo laga qaadayo lacago Kumanaan Dollar ah oo ay waliba si fiican oo farxadi ku jirto u huryaan, maadaama laga beddelay Doonyihii Noloshooda halista ku ahaa.
Habkan cusub ayaa Tododbaad ka hor ka Bilaabmay Dalka Turkiga, waxana Markabkii ugu horreeyey oo sida ugu yaraan 700-qof oo wada suuriyaan ahi uu ku xidhay Xeebta Waddanka Talyaaniga, waxana dadkii saarnaa Badbaadiyey Ciidamada waddankaasi oo badaha ku sugan.
Shalay ayey sidan oo kale Markab kale oo Gaboobay, isla-markaana ahaa nooca Xoolaha lagu qaadi jirey oo sida dad ka badan 500-qof lagu arkay isagoo heehaabaya badweynta Talyaaniga xudduuddiisa ku taalla, waxana la waayey dadkii waday oo markii ay Badweynta marinayeen iskaga Baxsaday si aan loo qabanin.
Maraakiibtan, ayaa la sheegayaa in qaarkood lagu xidhay qalab masaafi waxoogaa ah kaxaynaya, isla-markaana gaadhsiinaya Goobaha ku dhaw xadka Badda Talyaaniga, iyagoo shaqaalah wadaana ay kaga dhaqaaqayaan Badda Badhtankeeda.
Arrintan ayaa jaahwareer ka dhex abuurtay Dawlaha midowga Reer yurub oo in badan isku dayey inay iska caabiyaan Mawjadaha dadka ah eek u qulqulaya dalalkooda, waxana arrintan ka ashkatoonaya Dawladaha Talyaaniga oo dadkani ay waddankeeda sii maraan kana sii gudbaan.
Khiddadan cusub ayaa waxa si weyn uga fikiraya khubarada loogu talo gallay inay sameeyaan Farsamooyin lagaga hortegayo Tahriibta, waxana wali ay ku maqan yihiin habkii ay arrintaas kaga hortegi lahaayeen.
Dad badan oo markii hore ka cabsoon jirey arrinta Doonyaha, ayaa ku dhiirran haatan inay raacaan Maraakiibtaas, waxana ay aaminsan yihiin inay Maraakiibtani ku fiican yihiin dhinaca badbaadada.
Sanad walba Boqolaal qof oo kasoo jeeda Qaaradaha Afrika iyo Asia, ayaa gala Dalalka yurubta, waxana wali aan la haynin Faa’iidada ay dadkaasi helaan, marka laga tago inay tagaan Goobo ay ku badbaadayaan oo aan Dagaallo ka soconin.
SDN/QJ