Maxkamadda Sare Ee Kenya Oo Hakisay Sharci Argagixisida Loogu Tala galay Oo Xukuumaddu Dabada Ka Riixaysay
Nairobi:Jan,02,2015(SDN/QJ)-Maxkamadda sare ee Waddanka Kenya, ayaa hakin saartay Sharci cusub oo ka dhan ah Argagixisada, kaas oo xukuumadda waddankaasi si weyn ugu taabayso hirgelintiisa.
Sharcigan, ayaa waxa uu Golaha Baarlamaanka Kenya ka dhex abuuray buuq iyo sawaxan gaadhay in gacmaha la iskula tago, waxana dawcad ka dhan maxkamadda usoo gudbiyey Mucaaridka dalkaasi.
Sharcigan ayaa ansixinta Baarlamaanka kadib waxa qalinka ku duugay, waxase ka dambaysay Hakintan ay Maxkamaddu saartay.
Xisbiyada Mucaaridka ayaa dacwad ka dhan ah sharcigan u gudbiyey Maxkamada sare ee Kenya, iyagoo sharcigan ku tilmaamay mid ku xadgudbaya madax banaanida saxaafadda iyo xoriyada muwaadiniinta Kenya.
Maxkamada Sare ayaa go’aankeeda ku sheegtay in qodobo kamid ah sharcigan uu yahay mid u baahan in wax laga bedalo, tusaale ahaan in qofkii looga shakiyo falal argagaxisnimo in xabsiga lagu hayn karo muddo 1 sano ah maxkamad la’aan, qodobadaas iyo kuwo kale ayey maxkamada ku sheegtay kuwo ka horimaanaya dastuurka dalka.
SDN/QJ
timo@qurbejoog.com
Contact@somalidiasporanews.com