|

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilanyo Ayaa Maanta Khilaafka Ka Soo Cusboonaday Musharxnimada Xisbiga Kulmiye Dhexdiisa

siilanyo

Hargeisa 2/1/2015(SDN/QJ)Waxaa muuqatay is-maandhaaf iyo hirdan kaadirkii Xisbiga Kulmiye qaar ka mid ahi ay maalmahan saxaafaddu soo bandhigaysay damacooda siyaasadeed ee ku wajahan kursigan aan ku fadhiya. Waxaan leeyahay Kursigan anigaa ku fadhiya oo xisbigu ii gartay mustaqbalkana waan sharraxanahay, saxna maaha in aad isku kay dul-qabsataan wixii iga dambeeya Ilaahay ha ina gaadhsiiyo, Xisbiguna waa Xisbi dimuqraadi ah oo waa lagu tartamayaa dhexdiisa, waxaana ina sugaya Xisbiyo kale oo inala tartamaya, walaalayaal yaynaan cidla ku xiiqin oo isku qabsan, yeynaan wax aan joogin isku colaadsan, kolay meel dad-joogo qalooc iyo qardoofo laga waayi maayo ee aan ilaalinno wada jirka Xisbiga iyo Midnimadiisa.

Hargeia SDN/QJ

Concat@Somalidiasporanews.com

Comments are closed