|

Xaruntii Dallada Sonyo oo Ciidamadu la Wareegeen iyo Sababaha Keenay Baqdintan Cusub

Hargaysa 01.Jan 2015 (SDN/QJ)- Xukuumadda Somaliland, ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ayaa sheegtay in ay ciidamadda ammaanku la wareegeen gebi ahaan-ba xaruntii dhexe ee weynayd ee dallada dhallinyarada SONYO, iala markaana si buuxda loo xanibay dhammaan hantidii dallada SONYO, sida gaadiidka, qalabkii xafiisyada buuxdda, iyo Account-kii, isla markaana la kala diray shaqaalihii iyo hawl-wadeenadii dallada SONYO, illaa amar danbe, ka soo baxayo xukuumadda, sidaana waxa sheegay Wasiirka Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal.
Illo wareedyo xogoggal ah ayaa Tilmaamay in kulan uu goor dhawayd la qaatay Wasiirka Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal. garabkii Dallada SONYO, ee uu hogaaminayay Guddoomiyahii ay doorteen aqlabiyadii ergooyinkii shir-weynaha 7-aad ee dallada SONYO, Cabdicasiis Xirsi Warsame, uu Wasiirku si buuxda ugu xaqiijiyay in ay ciidamadda ammaanku la wareegeen gebi ahaan-ba xaruntii dhexe ee weynayd ee dallada dhallinyarada SONYO, isla markaana si buuxda loo xanibay dhammaan hantidii kala duwanayd ee dallada SONYO, sida gaadiidka, qalabkii xafiisyada buuxdda, iyo Acciunt-kii, isla markaana la kala diray shaqaalihii iyo hawl-wadeenadii dallada SONYO, illaa amar danbe, ka soo baxayo xukuumadda.

Hadalkan ka soo baxay Wasiirka, ayaa yimi kaddib, markii garabka uu hogaamiyo Guddoomiyaha cusub ee dhawaan ay codka aqlabiyada ah ku doorteen ergooyinka shir-weynaha 7-aad ee dallada SONYO, Cabdicasiis Xirsi Warsame, ay cadaadis xoog leh ku saareen xukuumadda in ay ka digtoonaato cawaaqib xumadda ka dhalan karta hadii ay xukuumaddu u ogaalato garabka kale, ee ay xukuumaddu wadato ee SONYO, adeegsiga dhismaha xarunta iyo hantida Dallada in ay xukuumaddu masuul ka noqon doonto wixii khasaare ah ee halkaa ka dhasha.

Mar aanu isku daynay in aanu la xidhiidhno Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, iyo dhinacyada ay arrintani khusayso ayaanay noo suurta-gelin in aanu helno.

SonyoSidoo kale, hadalkan ka soo baxay Wasiirku waxa uu ku soo beegmay xilli ay cirka isku shareertay qalallaasaha baaxadda leh ee ka dhashay shir-weynihii 7-aad ee dallada SONYO, ee lagu dooranayay hogaanka sare ee dallada, oo ay xukuumaddu si toos ah u soo faro-gelisay, taas oo keentay in la carqaladeeyay qabsoomida shir-weynahaa oo la ogaaday in uu aqlabiyada ergooyinka shirweynaha daladda SONYO, ee ka kala socda gobalada dalka uu haysto musharax ka mid ah labada musharax ee u tartamay Guddoomiyaha dallada, oo lagu magacaabo Cabdicasiis Xirsi Warsame, taas oo keentay in ay shir-weynahaa ka baxaan tiro yar oo ka mid ah ergooyinkii shir-weynaha oo ay hor kacayeen Guddoomiyihii hore ee dallada iyo musharaxa kale ee u taaganaa tartanka doorashada Guddoomiyanimo ee dallada, kaddib markii ay ogaadeen in laga haysto aqlabiyada.

Mar aanu isku daynay in aanu la xidhiidhno Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, iyo dhinacyada ay arrintani khusayso ayaanay noo suurta-gelin in aanu helno.

Illaa iyo hada weli ma cada mowqifka ay xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ka qaadan doonto xallinta xaaladan cakiran ee ka dhex taagan dallada SONYO.

 

Comments are closed