Wasiir Cukuse oo Maanta Hargaysa ku Soo Laabtay Amar Cusubna ku soo rogay Warbaahinta Xukuumadu Maamusho DAAWO
Hargaysa 01.Jan 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse oo in Mudo ah Socdaal ku marayay Wadamo ka Tirsan Qaarada Yurub ayaa Galabta dib ugu soo laabtay Caasimada dalka ee Hargaysa.
Wasiir Cukuse Waxa uu Tilmaamay in Tabashada ugu Weyn ee Qurbejoogta Somaliland ee uu la Kulmay ay si weyn uga Cabanayeen in Warbaahintu Sii dayso Dad Magacyo qabiil ku hadla.