|

Boqor Cabdallaha Sucuudiga Oo Cisbitaalka La Dhigay Iyo Xaaladdiisa Caafimaad Oo Laga Dayrinayo

Riyad:Jan,01,2014(SDN/QJ)-Xaaladda Caafimaad ee Boqor Cabdlaha Sucuudiga Haysta, ayaa laga Dayrinayaa, waxana Maalintii shalay la dhigay Cisbitaal Dalkaasi ku yaalla.

kingBoqor Cabdallah Bin Cabdilcasiis oo da’diisu tahay 91-sano jir, ayaa la tilmaamay inuu kusoo booday Xanuun aan wali si rasmi ah loo sheegini, waxana lala tacaalayaa Haatan Xaaladiisa caafimaad.

Waxa soo baxaya warar tibaaxaya in tuhun weyn laga qabo in Boqorka dalka Saudi Arabia, uu sii wadan karo hogaaminta dalkaa iyo in kale, maadaama Da’diisa oo weyn ay ugu darsantay  caafimaad la’aani.

Ninka ay wallaalaha yihiin Boqorka, ee lagu magacaabo Salmaan, oo 77 jir ah, oo muddooyinkii u danbeeyay sii waday hawlaha maamulka dalka Boqortooyada Saudi Arabia, markii uu boqorku xanuunsaday ayaa lagu wadaa in uu xukunka ka badalo Boqor Abdalla, iyada oo amiirkii iska-lahaa dhaxalka Boqortooyada Saudi Arabia, Na’if Bin Abdicasis, uu dhintay sannadkii 2012-kii, markaas oo uu Amiir Salmaan uu noqday dhaxal sugaha,

Boqorka Saudi Arabia, Boqor Abdalla, ayaa muddooyinkii u danbeeyay aan lagu arag fagaarayaasha siyaasada ee aad u muhiimka sababo ku lug caafimaadkiisa oo aan fiicnayn., iyada oo Laba jeer oo hore oo kala ahaa sanadkii 2011-kii iyo2012-kii Boqorka lagu sameeyay qalliino.

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed