Dawlada iyo Mucaaridka Jabuuti oo Talaadada wadahadal dheer dabadii heshiis kala sixiixan doona
Jabuuti Dec 28,2014(SDN/QJ)-Dawlada Jabuuti iyo dalada Mucaaridka Jabuuti ee USN ayaa wada hadal mudo dheer qaatay dabadii waxa horaanta todobaadka soo socda lagu wadaa in ay heshiis qalinka ku duugaan.
Heshiiska oo qodobadiisu weli soo shaac bixin ayaa lagu wadaa in uu noqon doono mid hoos u dhiga xiisad siyaasadeed oo dalka Jamhuuriyada Jabuuti mudo ka jiray.
Labada dhan ayaa todobaadkii ina dhaafay kulan ay yeesheen waxa ay iskula qaateen in haatan la gaaray xiligii xaalada siyaasadeed ee dalka Jabuuti lagu soo afmeeri lahaa heshiis taam ah.
Hadal heynta heshiiskan ayaa ku soo beegmaya xili uu madaxweynaha Jabuuti dhawaan shaaciyay in uu mar kale u taagan yahay doorashooyinka madaxtinimo ee ina soo haya.
Dalada Mucaaridka Jabuuti Ayaan dhankooda weli war rasmi ah ka soo saarin hadal heynta heshiiska lagu wado in uu dhexmaro dawlada dalka.
Madaxtooyada Jabuuti ayaa Iyana dhankeeda ka waramin waxa ka jira heshiiska la sheegay in uu dhexmari doono labada dhan.
SDN/QJ-Jabuuti