|

Hay’ada Samafalka Hayaan oo soo bandhigay waxqabadkoodii sanadkii ina dhaafay iyo Qorshahooda waxqabad ee sanadka ina haya(SAWIRO)

Edmonton Dec 28,2014(SDN.QJ)-Hay’ada samafalka ee Hayaan oo dalka Canada ka dhisan isla markaana ka hawlgasha dalkii hooyo ayaa xaflad balaaran oo ay magaalada Edmonton ee dalka Canada ku qabteen waxa ay ku soo bandhigtay Waxqabadkoodii sanadii ina dhaaftay, iyo qorshahooda waxqabad ee sanada ina heysa.

Xaflada oo ay ka qeybgaleen xubnaha lafdhabata u ah Hay’ada iyo bulshada reer Alberta ayaa waxa laga munaaqashooday sooyaalka iyo hamiga mustaqbalka hay’ada.

Waxaa kulanku intuu socday si habsamiyi ku dheehan tahay hadalka ugu qeybiyay Abwaan Zaad Jaamac Baaruud oo isla markaana ah Xogahayaha hay’ada Samafalka Hayaan.

Waxa ugu horeyntii Xafalda Ayaado Quraanka kariimka ah ku furay Mustafe Maxamed oo ka mida xubnaha firfircoon ee uruka Hayaan.

Waxaana itaa ka dib codbaahiyaha lagu wareejiyay Gudoomiyaha Ururka Hayaan: Mudane Abdinaasir Ahmed Elmi (Dhoolayare) oo si qoto dheer uga warmay marxaladihii kala duwanaa ee ay hay’adu soo martay iyo higsiga mustabalka dhaw iyo ka fogba.

Guddoomiyuhu wuxuu xubnihii iyo marti sharaftii kale ee halka aisugu timi uga mahadceliyay juhdigoodii faraha badnaa iyo dhabar adeygii ay ku gaareen guulaha la taaban karo ee ururku uu ku tilaabsaday mudadii uu jiray.

Sidoo kale Gudoomiye Dhoolayare waxa uu uu marti sharaftii halkaa isgu timi ku booriyay in ururka lal garabgalo xubnihii is xilqaamay ee heerkan manta soo gaarsiiyay.

Intaa ka dib waxa isna hadalkii u baxada Khadar Cali Oomaar oo ka mida xubnaha uu ururku ku tiirsan yahay, waxaanu isna ka waramay sida ay Hayaan uga miro dhalisay dedaaladii kala duwanaa ee ay ku hirgelisay mashaariicda wax ku oolka ah.

Iyada oo uu mudanuhu ka waramay dibna u jaleecay dhawrkii qof ee ururka aasaasay iy sida manta xubno gaaraya ilaa 100 ruux oo gacan mug leh ka geysta dedaalada socda.

Waxa intaa ka dib hadalkii la wareegay Marwo Caasha Koosaar Cali oo ah xiriiriyaha Hayaan oo Iyana ka warbixisay safar ay dalkii dhawaan uga soo noqotay.

Caashi waxa ay si qiiro leh uga warantay mashaariicda ay Hayaan fulintooda gacanta ka geysatay ee dalkii hooyo, waxaaney ku dheeraatay baahiyaha ay dalkii ku soo aragtay iyo doorka uga banana Hayaan.

Ugu danbeyntiina waxa ay xubnihii halkaa isugu yimi ku boorisay in dalkii hooyo aan maanka laga saarin isla markaana hanti ma guurto ah lagu yeesho.

Weli Nabadiid oo ah aqoonyahan haatan Edmonton ku nool oo ka mida xubnaha Hayaan oo isna dhawr kelmadood halkaa ka jeediyay ayaa ku bogaadiyay hogaanka iyo xubnaha Hayaan sida ay mudada kooban iyo dedaalka faraha badan dabadii ay bulshada guddaha iyo dibedaba u taakuleeyeen.

Gudomiye ku xigeenka ururka Hayaa Abdinasir Ibraahim Nuur (Dhagadalool) oo isna halkaa ka hadlay ayaa waxa uu bulshadii halkaa isugu timi waxa uu si faahfaahsan uga dherjiyay mashaariicdii samafalka ahaa ee uu ururku fuliyay mudadii uu dhisnaa.

Mashaariicdaa oo ay ka mid ahaayeen gacan ka geysadka Mashruuca Dhismaha Wada Cad ee Hargeysa ilaa Ina Guuxaa, Gacan qabad ay Hayaan u sameysay xubno qurbejooga oo dalka Canada ku cusbaa, iyo Mashaariic kale oo faro badan oo lagu diirsaday.

Abwaan Yusuf Jaamac Baruud ayaa ku dheeraaday u mahad celinta xubno ka mida ururka oo ay ka mid tahay Khasnajiga Hayaan Marwo Ifraax Cali Oomaar oo haatan booqaneysa dalkii hooyo.

Sidoo kale Abwaanku waxa uu u mahadceliya xubno dhawr ahaa oo uu sheegay in duruufo shaqo ay u saamixi waayeen in ay ka soo qeybgalaan xaflada, waxaana ka mid ahaa xubnaha Md Maxamed Berdaax, Maxamuud Qori iyo Axmed Berdaax.

Ugu danbeyntiina Waxa eryo duco iyo baraarujin ah halkaa ka jeediyay Odey Cabdiqaadir Xuseen Guuleed oo dadkii xaflada ka qeybgalay u rejeyay in sanadkan kiisa eebe ku gaarsiiyo Guul iyo horukac.

SDN/QJ-Edmonton

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed