DALKA DAWADIISU WAA CADAALAD BULSHO
Marka la eego cadaalada bulsho ee ka jirta guud ahaan dalka Somaliya waa mid gabaabsi ah amaba bulshadu aad u tebeyso. Waxaana jira duruufo aad u badan oo ay salka ku hayso faqriyaynta bulshad, shaqa eexaynta iyo u sinaan la’aanta fursada nololeed, Intaasoo lagu daray duruufaha dagaalka iyo kuwa nololeed ee dalku hadda maraayo. Iyadoo duruufahaasi jiraan hadana shaki kuma jiro in hadba dowlada jirta (Dowlada dhexe iyo Dowlad goboleedyaduba) ay masuuliyadi ka saaran tahay wax ka qabashada cadaalad daradda bulsho, iyo u simida muwaadinka daryeelka nolosha laf dhabarka u ah jiritaankiisa iyo weliba baahinta adeega dowladnimada. Si qof kastoo bulshada ka mi ihi u helo xuquuqdiisa nololeed, deegaan, shaqo waxbarasho ama caafimaadba. Waana in dowladu adeegsataa hal beegyo (Indicators) looga qiyaas qaato xaqiijinaayo ama looga ka mira dhalinta cadaaladaas bulsho waa haddii hufnaan shaqo iyo daryeel bulsho u jeedku yahay.
Cadaalada bulsho waxaa sal u ah dhowr shey oo aad u muhiima.
1. U sinaanta iyo kala hayb soocid la’aanta bulshada xiliga fursadaha.
Marka ay timaado shaqaalaynta ama boos siintu waa in la maraa hab kale oon qabiil, xigto iyo waji garasho lagu salaynayn. Waa in qofka fursadaas loo qaadanaayo lagu mudnaan siiyaa sida aqoonta, waaya aragnimada, u halganka dalka iyo daryeelka bulshada waana in qof walba mudnaantiisa lagu siiya halka uu khibrad ama aqoon u mutaystay. Shaqada ama fursadahuba waa iney garsoor ku dhisnaadaan si xaqa iyo xuquuda dadku u sinaadaan. Iyo weliba si waafaqsan shuruucda heer deegaan iyo kuwa caalamiba. Hadaan isku dayno inaan Fursad sinaanta qaybiyo waxaan u samayn karnaa sadexdaan waji.
B. Inuusan jirin, kala mudnaan siin shaqo iyo weliba xaq duudsiin bulsho.
T. In haddii uusan shaqa abuur jirin ama bulshadu baaga muudo wada tahay aanba isku filaansho fursadeed imaan karin marka waxaa khasaba Iney jiraan fursad abuur shaqo iyo yagleelida mashaariic deegaanadu oo fursadaha lagu kobcinaayo, baahiyaha bulshadana laga jawaabayo.
J. In fursadahaa la buuray tartamo hufan oo daah-furaani ku jirto loo galo lalana dagaalamo xaglinta iyo dhabar ka taabashada.
3. Caymis Bulsho.
Waa inuu jiraa caymis bulshadu ama muwaadinka siinaya xuquuqda laf-dhabarka u ah noolaanshihiisa, waana Inuu u helaa hab dhaqaale ah ama hab garab istaag kale ah. Sida marka uu xanuunsado, waayeeloobo, shil shaqo galo, cid ka dhimato ama haweenku xiliga dhalmada ku jiraan. Xiliyadaan qofku wuxuu u baahan yahay garab siin usuurta gelisa ka soo kabashada xaaladaas culayska ku ah. Sidoo kale dhallaanka derbi jiifka iyo kuwa waalidkood maarayn waayey noloshoodaba wexey xaq u leeyihiin iney kaalmo iyo gacansiin ay ka helaan hoggaanka siyaasada iyo bulshadaba.
2. Daryeelidda shaqaalaha Bulshadaas u adeega.
Si tan loo xaqiijiyo waa in hannaanka mushahar bixinta la hagaajiya waana in lagu jaan gooyaa sida ugu macquulsan ee qofkaasi ugu noolaan karo waxa uu qaadanayo ama soo geliya. Haddii kale wuxuu maleegayaa qorshayaal u suurta gelinaaya inuu inta baahidiisa ka dhiman uu siyaaba kale sida musuqmaasuq iyo is daba marin ku helo. Dhinaca kale shaqaalaha mushaharka qaata waa in lagu tababaro wadaniyada, bini’aadanimada iyo u dhibrinta shacabka ay u adeegayaan. Dadka faqrigaa kuwa uusan dakhligoodu ku filayn waa Iney helaan daryeel caafimaad, biyo iyo mida waxbarasho. Sidaa si lamida waa Inuu jiraa qorshe kuwa shaqa la’aanta ah ama naafanimo noloshooda ukaabi waayey lagu garab siinayo kana imaanaya dowlada markaas jirta iyo khayraadka dalka.
Caddaalad Bulsho waxaa lagu kobcin karaa siyaabahaan.
1. In la abuuro lana meel mariyo siyaasada horumarneed oo ka turjumeysa baahiyaha bulsho ee dhabtaa dejinta siyaasadaasina iyaga ka timaado.
2. In dib u eegis lagu sameeyo hannaanka shaqaalaha/Shaqaalaysiinta loona qaaabayo qaab u suurta gelinaaya Iney cashuurta iyo xuquuda ku waajibtey si habsami leh u bixiyaan. Lana ogaado mushaharka dhabtaa, gunnooyinka iyo kabida shaqaale ee kaleba.
3. In dib u eegis iyo fadhiisin lagu sameeyo hannaanka cashuuraha iyo miisaniyad maaliyadeedka dowlada si fursado maal gashi loo abuuro nolosha bulshadana loo kobciyo.
4. Waa Inuu jiro hannaan caymis bulshadaa oo dadka intooda liitaa ama taagta daran siinaya baahiyaha laf dhabarta u ah noolaanshooda gaarkaa.
5. In dalka lagu hogaamiyo siyaasad isku filaansho iyo ka kaaftoon debadeed ku salaysan iyo weliba in adeegyada dowladeed kobcin iyo kor u qaadis lagu sameeyo si taas loo xaqiijiyo.
Abdiaziz Bandiirad
Qoraa, arimaha bulshada ka faalooda.
Kuala Lumpur, Malaysia.