Hogaan Cusub Ee Solja Mala Shaqayndoonaa Saxaafada Madaxa Banaan Ee Somaliland Mise Wuxuu Noqondoonaa Urur Xukuumada U Adeega
Waxaa Maalintii Khamiistii Huteel Ambasador Ee Magaalada Hargeysa Lagu Qabtay Shirwaynihii 5aad Ee Ururka saxafiyiinta somalialand ee Solja Halkaas oo lagu doortay hogaan cusub oo hogaamin doona ururka.
Shirkan ayaa waxaa soo agaasintay xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Iyadoo horena loogu eedeynayay in ay xukuumadu farabaas ku hayso ururka oo ay laba u kala qaybisay ururkaasi,Goobta shirka ayaa waxaan kasoo xaadirin gudoomiye ku xigeenkii iyo xoghayihii hore ee ururka iyagoo ku kala qaybsamay qabsoomida shirwaynaha masuuliyiinta soo qabanqaaniyay shirka.
Shirkan ayaa waxaa uu u muuqday mid garabsaar la leh xukuumada mana aad moodayn goob lagu qabanayay shirwayne ururka saxafiyiinta solja. Waxaa Xaqiiqo Ah in xukuumadu soo xushay hogaanka cusub ee ururka .
Hadaba su’aasha iswaydiinta mudan ayaa waxay tahay hogaanka cusub ee ururku ma u adeegi doonaan sidii hogaankii hore ee ururka mise waxay noqondoonaan qaar shilimaadka ka door bida xoriyada saxaafada looga dhigay hogaanka .
Waxaan rajaynaynaa in ay u shaqayndoonaan sidii masuuliyiintii hore ee ururka hogaaminaya INSHA ALLAH.
By.Ilyas Abdi Ali
Email.Ilyasdable1994@gmail.com
Mobile :0634504324
Hargeysa Somaliland