Akhri Magacyada Raggii Xarunta Xalane Weeraray Oo Shabaabku Shaaciyeen
Muqdisho:Dec,28,2014(SDN/QJ)-Hoggaanka sare ee Ururka Al-shabaab, ayaa shaaciyey Magacyada raggii dhawaan weerarka ku qaaday Xarunta Xalane ee Saldhigga u ah Ciidanka AMISOM.
Warbixinta Alshabaab ayaa lagu shaaciyay magacyada dadkii weerarka ka dambeeyay, waxaana lasoo xiganayay qaar kamid ah dadkii weerarka qaaday oo hadlaya iyadoo rasaas ay ka agdhaceyso, sida warbixinta lagu sheegayna waxay dilayeen xiligaasi ciidamada AMISOM.
Magacyada dhalinyarada weerarka ku qaaday xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa lagu kala sheegay:
Nuur Idiris oo loo yaqaan Sahal
Maxamed Sheikh oo loo yaqaan Cabdi Majiid
Cumar Saciid Salmaan oo loo yaqaan Al-muhaajir
Ibraahim Salaad oo loo yaqaan Aadan.
Dhamaan dadkaasi ayaa lagu sheegay warbixinta inay ahaayeen dadkii ka dambeeyay weerarkii Khamiistii Alshabaab ay ka geysteen xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.
Dhanka hayada Nabad sugida qaranka Soomaaliya ayaa sheegtay inay soo bandhigeen meydadka afar ruux oo la sheegay inay ka dambeeyeen weerarkaasi, waxaana tirada Alshabaab ay sheegayaan ay noqoneysaa afar ruux.
SDN/QJ