Murashax Jamaal Cali “Madaxweynihii Soomaaliyana wuxuu odhanayaa midnimo ayaa soo dhawaatay, Madaxweyneheeniina wuu ka aamusayaa”
Hargasya 28.Dec 2014 (SDN/QJ)- Murashaxa xisbiga mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa Xaaladda Awdal Ku Tilmaamay Mashruuc Muddo-kordhineed oo ay Xukuumaddu Samaysatay, isla markaana wuxuu sheegay in Baarlamaanka Somaliland ay ku fashilmeen shaqadii loo doortay, loona baahan yahay in la badelo.
Sidaa wuxuu ka sheegay mar uu taageerayaasha xisbiga UCID kula hadlayay magaalada Boorama, wuxuu sheegay in dadka ku dhaqan Gobolka Awdal ay yihiin kuwii samaystay Somaliland waxaanuu yidhi, “Waxaan leeyahay waar dadka reer Awdal Somaliland looga biqimaayo, Mar wuxuu galay Taleex, marna wuxuu galay Golaha Baarlamaanka immikana wuxuu joogaa Awdal falaadhi gilgilasho kagama go’do ama Taleex gal ama Golaha Baarlamaanka carqaladee doorashada sideedii ayaa laga doonayaa inaad u qabato. Xukuumaddu waxay doonaysaa muddo kordhin, Annaguna waxaan leenahay Reer Awdal muddo-kordhin laguma helayo oo waa mashruuc. waxaan leeyahay dawladda Somaliland ee uu Madaxwenaha ka yahay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ummaddii wixii aad u ballan qaaday ayay ka sugaysaa Madaxweyne, Awdal looga baqan maayo Somaliland, iyaga ayaa samaystay oo gogosha dhigay, markaa waxaan leeyahay yaan dadka la fogaynin.”
Jamaal Wuxuu sheegay inay la yaabban yihiin dhawaaqyada kala duwan ee Madaxweynayaasha Axmed Siilaanyo iyo Xasan Sheekh, isla markaana wuxuu nasiib darro ku tilmaamay aamusnaanta Madaxweyne Siilaanyo ee midnimada ka soo yeedhay Madaxweynaha Somalia ee uu u jawaabi wayey waxa weedhihiisa ka mid ahaa oo uu yidhi, “Madaxweynihii Soomaaliyana wuxuu odhanayaa midnimo ayaa soo dhawaatay, Madaxweyneheeniina wuu ka aamusayaa, wax la ogolaan karo maaha, Madaxweyne weligaaba Xasan Sheekh waxaad doonto u soo ballan qaad ama ka soo qosli ama ha ka soo qoslin walee midnimo ma suurta galayso.”
Sidoo kale, wuxuu sheegay in loo baahnaa in Baarlamaanku u yeedhaan Madaxweyne Siilaanyo, si ay wax uga weydiiyaan heshiisyada uu la galay Xasan Sheekh wuxuu yidhi, “Baarlamaanka Somaliland wuxuu noqday fadhiid, halka Somaliland laga soo galayaana waa Baarlamaanka, Waar Baarlamaankii la xisaabtami lahaa dawladda, saw kuwan dhaameelka loo daadinayo., Waxaan Baarlamaanka Somaliland aan leeyahay waxa idiin roon idinka oo xilka iskaga dega ama shir-guddoon ha ahaadan ama xildhibaanada kale ha ahaadan, sababtoo ah xilkii waad ku fashilanteen. Waar miyaanay ahayn Baarlamaankii intay Madaxweynaha u yeedhaan oo ay waydiiyaan, waa maxay wada hadalada aad la soo gashay Somalia, waxaynu u baahanay Baarlamaankii xinninyahaas lahaa, Waxa loo baahan yahay in Baarlamaanka Somaliland la badelo.”