|

“Xukuumadani Waxay si dhab ah u aaminsan tahay Isu Tag Buuxa ” Xildhibaan Xoog DAAWO

Hargaysa 27.Dec 2014 (SDN/QJ)- Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan-Xoog) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa soo jeediyay in la kala reebo Siyaasiyiinta ku loolamaya Musharaxnimadda Xisbiga taladda haya ee KULMIYE.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog oo maanta Xarunta Baarlamaanka kula hadlay Warbaahinta, waxa hadaladiisii ka mid ahaa

“Madaxweynaha waxaan eeyahay Aabuhu wuu Edbiyaa Innamadiisa, Adigoo yidhi Musharax baan ahay oo la tartamaya Xisbigan aan ka mid ahay, dee Edbi Wasiiraddaadan kaa ag leh Musharax baanu nahay, waxay ayaan daro ku tahay Asluubta Dawlad-nimadee” ayuu yidhi Xildhibaanku isagoo intaasi raaciyay “Madaxweynaha afkiisa waxaanu ka haynaa laba goor anigaa Musharax ah 5-ta sanno ee dambe, dee hadduu Madaxweynuhu tanaasulay dee dadka si cad ha ugu sheego oo dadka yaanu isku jabinin”.

Comments are closed