Maxaabiis Dagaal Oo Xukuumadda Ukrain Iyo Kooxaha Gooni Ugoosadku Isweydaarsadeen
Kiev:Xukuumadda Reer Galbeedku taageero ee Dalka Ukrain iyo Kooxaha Mucaaridka ku ah ee Ruushku taageero, ayaa bilaabay kala beddelashada Maxaabiis dagaal oo ay labada Dhinac hore ugu kala qabsadeen Dagaalo dhexmaray.
Kala bedeleshada ayaa ka dhacaya dhul labada dhinac ay dhex dhexaad ka yihiin oo ku yaala Bariga Ukraine.
Ilaa sodon maxaabiis oo labada dhinac ay iska kala qabsadeen ayaa hore loo sii daayay, waxayna tallaabadan qeyb ka tahay kala bedelashada ilaa 222 kooxaha gooni u goosadka iyo 150 askari oo u dhashay Ukraine.
Labada dhinac ayaa bishii September ku heshiiyay ilaa 12 qodob oo qeyb ka aheyd in maxaabiista ay kala heystaan kala bedeshaan.
Sidoo kale labada dhinac ayaa diyaar u ah inay meel mariyaan xabad joojin, waxaana dhowr jeer fashilmay xabad joojin ay gaadheen, markii ay dagaaladu dib u bilowdeen.
In ka badan 1,300 qof ayaa ku dhintay tan iyo xabad joojinta lagu dhawaaqay, Ukraine ayaa ku eedeysa Ruushka in si firficoon u taageerayo kooxaha mucaaradka gooni u goosadka ah.
SDN/QJ