Wada-hadalladii Somalia Iyo Somaliland Oo Safka Hore Kasoo Galay Waxqabadka Xukuumadda Xasan Sheekh Oo Toddobaadkii Tegey
Muqdisho:Dec,27,2014(SDN/QJ)-Sidii caadadu ahaydba waxa uuSii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, soo saaray Waxqabadka Xukuumada ee Toddobaadkii ina dhaafay, waxana Usbuucan Hadheeyey oo qoddobada lagu faaqadiay kamid ah Wada-hadalladii Somaliland iyo Somalilia iyo waliba Tallaabadii Qaramada Midoobay Liiska Argagixisada kaga saartay Sheekh Maxamed Siciid Atomo ooh ore Shabaabka uga tirsanaan jirey.
Arrimaha Kale ee Waxqabadka Xukuumadda Usbuucan ku jira, ayaa waxa kamid ah Anixinta Ra’isal wasaaraha Cusub ee Dalka, Meel marinta Heshiska Caalamiga ah ee Ilaalinta Xuquuqda Carruurta, Meelmarinta Hindise-sharciyeedka Guddiga Xuduudaha iyo Arrimo kale oo badan.
Warbixinta Loogu Talo galay warbaahinta ee Waxqabadka xukuumadda ee Toddobaadka lagaga hadlayey, ayaa sidan u dhignayd:
Baarlamaanka oo si aqlabiyad leh Kalsooni buuxda u siiyey Ra’iisul Wasaaraha
Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Kalsooni siinta Ra’iisul Wasaaraha ayaa yidhi “Baarlamaanka Soomaaliya ayaa 24kii December Kalsooni buuxda siiyey Ra’iisul Wasaaraha cusub. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa Baarlamaanka ka codsaday inay cod kalsooni ah siiyaan Ra’iisul Wasaaraha si uu u helo sharciyadii uu ku howlgali lahaa. Sidoo kale Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid, ayaa Baarlamaanka ka codsaday in ay siiyaan Kalsoonidooda si uu dalka ugu soo dhiso Xukuumad awood u leh in Somalia ay ku guuleysato hiigsiga 2016-ka. 218 xildhibaan ayaa codkii kalsoonida siiyey Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashid Cali Sharmaarke, mana jirin cid diiday, marka laga reebo lix xilbaan oo ka maqnaa codeynta. 224 ayuu baarlamaanka ku furmay. Ra’iisul wasaaraha Somaaliya ayaa lagu hor dhaariyey Barlamaanka oo guddoomiyaha Maxkamadda sare uu u dhaariyey xilkiisa Ra’iisul wasaarinimo. 25kii December ayuu Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashid Cali Sharmaarke si rasmi ah xilkii uu ugala wareegey Ra’iisul Wasaarihii hore Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed.”
Ansixinta heshiiska caalamiga ah ee Ilaalinta Xaquuqda Carruurta
Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Ansixinta Ilaalinta Xaquuqda Carruurta ayaa yidhi “Barlamaanka Soomaaliya ayaa 24kii December 2014 soo saaray Qaraar ku saabsan heshiiska ilaalinta Xaquuqda Carruurta ee Q.M ee ay baarlamaanka Soomaaliya ansixiyeen, hasa yeeshee qodobada 14-aad 20-aad iyo 21-aad ayuu Barlamaanka Soomaaliya ka saaray heshiiska, kuwaas oo aan la jaan-qaadi Karin dhaqanka Suuban iyo Diinta Islaamka, waxaana Barlamaanka Qaraarkaasi ka hor arkhiyey guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad. Talaabadan ayaa ah mid horumar weyn leh bacdamaa Soomaaliya ay ka mid aheyd 3 waddan oo aan heshiiskan caalamiga ah horey u saxiixin, kuwaas oo kala ah Mareykanka, Soomaaliya iyo Koofurta Suudaan.”
Wadahadalada Dowladda Federaalka iyo Somaliland
Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey wadahadalada Dowladda Federaalka iyo Somaliland ayaa yidhi “Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa 20kii iyo 21kii December 2014 gaadhay dalka Djibouti oo ay halkaas ku wada hadleen Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Silanyo iyo wafdi uu hoggaaminayey. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo dar-dargelin lahaa wadahadaladii labada dhinac oo in muddo ahba hakad galay. Madaxweynaha Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa fududeeyey wadahadalka labada dhinac. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland ayaa ugu danbeyntii wada saxiixay qoddobo dhowr ah oo lagu heshiiyey kuwaas oo ay ka mid ahaayeen in la dar-dargeliyo wadahadalada oo 26ka iyo 27ka February labada dhinac ay ku kulmaan dalka Turkiga ah, laguna dhiirado arrimaha siyaasadda si wadahadaladu u noqdaan kuwa miro dhala. Waxaana la isla gartay in Dowladda Djibouti laga qeybgaliyo shirarka wadahadalka marka loo baahdo. Tallaabadan ayaa ah mid horey loogu qaaday lixda tiir ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud oo mid ka mid ah uu ahaa in la sii wada wadahadalada Somaliland.”
Ansixinta Hindise Sharciyeedka guddiga Xuduudaha
Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey ansixinta hindise sharciyeedka Guddiga Xuduudaha ayaa yidhi “Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Kalfadhigiisa Shanaad fadhiisa 21aad oo qabsoomay 21kii December 2014 ayaa waxaa soo xaadirey 145 mudane, isla markaana uu shir guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxaa looga hadlay meel marinta Hindise Sharciyeedka Guddiga Xuduudaha. Guddoonka baarlamaanka ayaa ka codsaday mudaneyaasha inay cod geliyaan, waxaa ogolaatay 129 mudane, halka 13 mudane ay ka soo horjeesteen, waxaana ka aamusay hal mudane, sidaasi ayuuna ansax ku noqday Hindise sharciyeedka Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka. Siihayaha Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa Xildhibaannada uga mahadceliyay meel marinta hindise sharciyeedka Guddiga xuduudaha iyo shaqaalihii soo diyaariyay hindise sharciyeedkan. Hindise sharciyeedkan ayaa ka mid ah sharciyada mudnaanta gaarka ah la siiyey bacdamaa ay yihiin kuwa muhiim u ah dhaqangelinta aragtida 2016ka.”
Wasaaradda Gaadiidka oo xafiis ka furatay Jowhar
Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Wasaaradda Gaadiidka oo xafiis ka furtay Jowhar ayaa yidhi “Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada ayaa xafiis ka furtay magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/Dhexe, tanoo tuseysa sida ay Dowladda Federaalka u dooneyso in shacabka Soomaaliyeed la gaarsiiyo adeegyada bulshada. 20kii December 2014 ayaa xafiiska Wasaaradda Gaadiidka si rasmi ah looga furay magaalada Jowhar, xafiiskaas oo qabandoona adeegyadii wasaaradda, sida bixinta ruqsadda wadidda gaadiidka (Leysinka) iyo warqadaha la xiriira lahaanshaha ama milkiyadda gaadiidka. Sidoo kale waxaa magaalada Jowhar laga howlgaliyey ciidanka nabadgelyada waddooyinka ee Taraafikada, kuwaasoo wadayaasha weydiinaya ruqsadda wadida gaadiidka, iyagoo ilaalinaya shuruucda maridda wadooyoonka.”
Sheekh Atom oo Liiska Cunaqabateynta laga saaray
Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Sheekh Atom oo liiska cunaqabateynta caalamiga laga saaray ayaa yidhi “Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa soo dhoweysey go’aanka Golaha Ammaanka ee QM oo ay liiska cunaqabateynta 1844 ay uga saareen hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab Sheekh Maxamed Saciid “ATOM” oo hore u shaaciyey inuu nabada qaatay. Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuhulow, ayaa 20kii December shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho. Dowladda ayaa la xaajootay QM iyo waddamada xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee QM si loogu guuleysto in muwaadin Soomaaliyeed oo ka baxay kooxaha argagaxisada isla markaasna nabadda qaatay in laga saaro liiska cunaqabateynta. Tani waa tallaabo weyn oo Atom kaliya ma ahee xitaa dhammaan dadka nabadda jecel ayey guul u tahay. Tani waa habka uu caalamka isku raacsanyahay oo lagu gaari karo nabad. DFS waxey gacan nabadeed u fidineysaa dhammaan shaqsiyaadka doonaya inay qoriga dhigaan oo nabada qaataan. Muwaadin kasta waxaa mas’uuliyad ka saaran tahay inay ka qeybqaataan dib u dhiska dalka.”
Gar-gaar Bani’aadanimo oo shacabka la gaarsiiyey
Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Gar-gaar bani’aadnimo oo la gaarsiiyey shacabka ayaa yidhi “Sii Hayaha xilka Wasiirka Haweenka & Xaquuqda Aadanaha ayaa 22kii December 2014 Deeq isugu jirta dawo, dhar iyo agab kale oo ka timid hay’adaha Nile Organization iyo Kimsiyoke ee laga leeyahay dalka Turkey, ayaa ay deeqdaasi la guddoonsiisay Golaha Naafada Qaranka, Isbitaal Banaadir iyo Machadka Drs. Qamar. Sii-hayaha xilka wasiirka haweenka iyo xuquuqda aadanaha Soomaaliya oo Deeqdaasi guddoonsiisay dadkii loogu talo galay ayaa kaga mahadcelisay Turkiga caawimaada ay caawineyso dadka Soomaaliyeed. Sii hayaha Xilka Wasiirka Haweenka iyo horumarinta Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa xaqiijisay in deeqda oo gaaraysa hal kunteenar loogu talagalay dadka Soomaaliyeed. iyadoo sheegtay in Golaha Naafada Qaranka ay ku wareejiyeen qalabka loo isticmaalo nadaafadda, dawo iyo 300 joog oo dhar ah. Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa xustay in deeq dawo ah iyo agabka nadaafadda ay sidoo kale ku wareejiyeen maamulka isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir, Ardayda wax ka barata Machadka Drs. Qamar ayaa sidoo kale deeq la guddoonsiiyay.”
Cutubyo ciidan oo tababar dhameystay
Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey cutubyo ciidanka ah oo tababar loo soo xiray ayaa yidhi “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa 22kii December 2014 tababar ciidan u soo xidhay dufcaddii labaad ee ciidamada gaarka ah ee Komaandooska ee Danab iyo saraakiil dhameysatay tababar layli sarkaal ah. Sii Hayaha xilka Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Maxamed Sheikh Xasan Xaamud, iyo Taliyaha ciidanka XDS Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) ayaa ka qeybgalay xafladaas. Ciidankan oo tababar heer sare ah qaatay ayaa wax weyn ka qaban doona falalka argagaxisada ah iyo denbiyada qorsheysan ee ka dhaca dalka. Ciidamada tababarka loo soo xiray ayaa saldhigga xafladdu ka dhacaysay ku soo bandhigay gaaddo-ka-ciyaar ay ku muujinayeen tababarkii ay qaateen, kaasi oo ay mas’uuliyiintii goobjoogga ka ahaa aad u soo jiitey.”
Wasiirka Gaashaandhiga oo booqday Tiyeglow
Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey booqashada Wasiirka Gaadhaandhiga uu ku tegey Tiyeglow ayaa yidhi “Sii Hayaha xilka Wasiirka Gaashandhiga Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa 23kii December 2014 booqdey degmada Tiyeglow ee gobolka Bakool, halkaas oo uu kula soo hadlay ciidammo ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed. Ujeedada booqashada ayaa aheyd in Wasiirku uu soo kormeero goobaha ay ciidammada Xoogga ku sugan yihiin, isla markaasna dhiirigelin u sameeyo ciidanka si ay waajibaadkooda qaran u gutaan. Wasiirka oo meel fagaaro ah kula hadlay ciidammada oo uu u jeediyey hadallo dardaaran iyo guubaabo ah ayaa yidhi “Waxaa la idinka doonayaa inaad shacabka Soomaaliyeed u adeegtaaan oo aad difaacdaan isla markaasna aad dhowrtaan xaquuqda shacabka oo aanan lagu xadgudbin, dhowaanna maxkamadda ciidammada ayaa Tiyeglow laga dhisi doonaa. Waana inaad sii xoojisaan dagaalka lagula jiro argagixisada inta laga xoreynayo dhammaan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan, waxaadna ku ammaanan tihiin tababarradii aad Tiyeglow ku qaadateen.”
Somalia oo xubin ka noqotay ITSO
Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Soomaaliya oo xubin ka noqotay ITSO ayaa yiri “23kii December 2014 ayuu sii hayaha Wasiirka Boostada iyo Isgaardhsiinta oo safar shaqo ku joogay Washington ayaa waxaa uu u gudbiyey waraqahii aqoonsiga ee Somalia xubin uga noqon lahayd Ururka Maamula Isgaadhsiinta Satellityada Adduunka (International Telecommunications Satellite Organization) (ITSO). Waxay arintan gacanta Dawlada Soomaliya soo gelin doontaa maamulida iyo ogolaanshaha xidig cagmaydka (Satellites) dul mara hawada dalkeena. Agaasimaha Guud ee ITSO, Mr Jose Toscano oo wasiirka ku martiqaaday shirkan, kuna soo dhaweeyey xafiiska ku yaala Washington ayaa faah faahin dheer ka siiyey muhimmada ay u leedahay in Dowlad walba heshiis la gasho dowlada ama shirkadaha gaarka loo leeyahay ee xidig gacmeedyadooda dul maraan, si aanay spectrum iyo frequency wadanka aanay dhib u geysan oo si fasiix ah loo maqlo.
Arintan waxay muhiim u tahay dejinta iyo helida igaadhsiin nadiif ah oo lahayn dhawaq hoos u dhiga habsamida isgaadhsiinta. Wasarada ayaa furi doonta xafiis arimahan u gaar ah oo maamula heshiisyada isgaadhsiinta satellityada ee dalka dulmara. Waa markii ugu horeeysay in Soomliya arintan ay maamulkeeda la wareegto.”
SDN/QJ