Reer Yurub Oo Qoraal Kasoo Saaray Weerarkii Shabaabku Ku Qaadeen Xarunta Xalane Ee Magaalada Muqdisho
Brussels:Dec,27,2014(SDN/QJ)-Midowga Reer Yurub, ayaa qoraal kasoo saaray Weerarkii dorraad kooxda Al-shabaab ku qaadday Xarunta AMISOM ku leedahay Gudaha Magaalada Muqdisho, waxana ay tilmaameen inuu ahaa weerar aan kala sooc lahayn oo loogu talo galay inuu gumaad geysto.
Warka qoraalka ee Midowga Yurub ayaa lagu sheegay inay tacsi ugu dirayaan dadkii ku waxyeeloobay weerarkaasi Alshabaab ay ku sheegeen inay ugu aargudayeen dilkii hogaamiyahoodii Sheikh Muqtaar Abuu Zubeyr.
Midowga Yurub ayaa dhaqaale ku bixiya ciidamada AMISOM iyo kuwa booliska taageerada ay siinayaan dalka Soomaaliya darteed, waxaana la sheegay inay sii kordhin doonaan taageerada ay siinayaan AMISOM.
Sidoo kale qoraalka Midowga Yurub, ayaa lagu sheegay inay soo kordhin doonaan taageerada ciidamada dowlada Soomaaliya, si guulo looga gaadho amaanka iyo xasiloonida dalka Soomaaliya.
Ugu dambeyn midowga Yurub ayaa qoraalkooda ku sheegay inay ka go’an tahay taageerada shacabka Soomaaliyed iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya, waxayna sheegeen inay sii socon doonaan dadaalada iyo taageerada ay siinayaan dowlada Soomaaliya.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com