|

Somaliland Oo Oodda Ka Qaadday 20-Maxbuus Oo Lagu Qabtay Dagaalladii Saax-dheer

Burco:Dec,26,2014(SDN/QJ)-ku dhawaad Labaatan maxbuus ooh ore loogu soo qabtay Dagaal ciidanka qaranku kula galeen Maleeshiyaa cali Khaliif Deegaanka Saax-dheer, ayaa lagu sii daayey Cafis madaxweyne oo uu fidiyey Madaxweyne Siilaanyo.

maloMaxaabiistan, ayaa laga soo daayey Jeelka weyn ee Burco, waxana markii oodda laga qaaday kexeeyey Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax, kaas oo gaadhsiiyey Deegaanadii laga soo qabqabtay.

Waxgaradka iyo Salaadiinta Deegaanka Saax-dheer, ayaa markii loo geeyey maxaabiistii cafiska lagu sii daayey, waxa ay soo dhaweeyeen arrintan, waxana ay codsadeen in sidoo kale lasii daayo Tiro gaadid ah oo gacanta ciidanka qaranka ku jirta, kuwaas oo ay sheegeen in dad shicib ahi iska lahaayeen.

Ujeedddada Maxaabiistan loo cafiyey, ayaa ah shacabka Halkaas deggen la dareensiiyo inaan wax colaad ah oo qaranka somaliland u hayaa aanu jirin, isla-markaana wanaagooda iyo walaaltinimada koru qaadideeda sidii ay uga shaqayn lahaayeen la doonayo.

Ma aha markii ugu horraysay ee Maxaabiis ka tirsan kooxda nabad-diidka Khaatuno laga sii daayo Jeelasha dalka, waxase dhacday in marar badan  tirooyin badan oo lagu soo qabqabtay dagaallo ay la galeen ciidanka qaranka lasii daayey, balse arrintaasi wali  ma ay soo kordhin wax natiijo ah oo la taaban karo.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed