Sucuudiga oo Dumar xabsiyada ugu jira wadida Gawaarida oo dacwadooda ay dhegeysan doonto maxkamada Argegixisada
Al-Ahsa Dec 26,2014(SDN/QJ)-Maxkamad ku taal dalka Sucuudiga ayaa lagu wadaa in ay bilowdo dacwad nooceeda dalkaa iyo Dunidaba ku cusub.
Dumar dalkaa ku nool oo lagu soo eedeeyay in ay wadeen Gawaari ayaa maxkamad dhegeysata dacwadaha Argegixisada la hor geyn doonaa dhawaan.
Kooxaha u dooda xuquuqda biniaadmka ee dalka Sucuudiga iyo caalamka ayaa qeylo dhaan ka soo saaray arintan.
Sucuudiga ayaa ah dalka qura ee dunida ay mamnuuca ka tahay in Haweenku wadaan gawaarida.
Dumarka haatan lagu wado in denbigaa lagu qaado ayaa wax aka mid ah Loujain al-Hathloul oo 25 jir ah iyo Maysa al-Amoudi oo 33 jir ah.
Dumarka ayaa danbigan lagu soo oogay ka dib kolkii ay baraha internetka ee bulshada dhigeen xog muujineysa in ay wadeen gawaari ama ay qorsheynayaan.
Dumar ku nool dalka Sucuudiga ayaa in muda ahba wadey olole ay dawlada dalkaa ku cadaadinayaan in haweenka loo fasaxo wadida gawaarida.
SDN/QJ- Al-Ahsa