|

Afhayeenka Al-shabaab Oo Faahfaahin Ka Bixiyey Khasaaraha Ka Dhashay Weerar Kooxdiisu ku Qaadday Xarunta Guud Ee AMISOM

Muqdisho:Dec,26,2014(SDN/QJ)-Sheekh Cali Maxamuud Raage(cali-dheere) oo ah Afhayeenka Kooxd Al-shabaab, ayaa Ka Hadlay Weerarkii shalay Naftood hurayaal kooxda ka tirsani ku qaadeen Xarunt ugu weyn ciidanka AMISOM ee ku taalla Xalane, waxana uu sheegay inay ku dileen saraakiil tiro badan oo qaarkood caddaan ahaayeen.

cali dheereeAfhayeenka oo shalay casarkii gaabnaa la Hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in Qaar kamid mujaahidiintooda uu gabalku ugu dhacay Xarunta Gudaheeda, isla-markaana ay dagaalkii wadaan oo aanay joojin.

Dhanka kale afhayeenka AMISOM Cali Xaamud oo uwaramay wakaalada wararka ee AFP ayaa sheegay in weerarka Xalane ay ku dhaawacmeen sadax askari iyo nin rayid ah oo qandaraasle ahaa, inkastoo uu isla wareysigan laga soo xigtay inuu yidhi waxaa suurta gal ah inay askar AMISOM ah ay weerarka ku dhinteen.

Xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab, ayaa weerar Gaadmo ah shalay Duhurkii ku ekeeyey Xarunta Xalane, halkaas oo qarax gaadhi kadib ay gudaha galeen, waxana muddo badan la maqlayey hugunka Rasaasta oo ay labada dhinac is dhaafsanayeen.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed